DaawoGuddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Tartannada Ramadaanta ee Garoomada Degmooyinka Macallin Haaruun iyo Gacan-libaax.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qabgalay tartannada Kubadda Cagta bisha Ramadaan ee ka socda garoomada degmooyinka Macallin Haaruun iyo Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo ka mid ah tartannada lagu qabanayo gobollada dalka oo dhan oo agabka lagu ciyaarayo uu bixiyey xisbiga KULMIYE.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen saraakiil ka socda xisbiga, wasiirro ka tirsan ka tirsan xukuumadda iyo madaxda heer gobol iyo degmo ee Hargeysa, ayaa galabta booqday garoomada Suldaan Xasan Barre oo ku yaal degmada Macallin iyo garoonka xaafadda Sheekh Nuur oo ka tirsan degmada Gacan-libaax, waxaannu Guddoomiye Muuse Biixi uu waqti geliyey, isla markaana dadweynihii garoomadaas ku sugnaa kala qaybgalay daawashada ciyaarihii garoomadaasi ka socday, isaga oo dhallinyaradii ciyaaraysayna ku dhiirrigeliyey inay mihnaddii kubadda cagta sii wataan.
Guddoomiyaha iyo madaxda kale waxa booqashada ay ku tageen Garoonka Kubadda Cagta ee Suldaan Xasan Barre si fiican ugu soo dhaweeyey dadweyne badan oo u daawasho tagay ciyaarta iyo ciyaartoygii ciyaarayeyba, iyadoo sidoo kalena ay halkaasi kuqaabileen salaadiin iyo masuuliyiin ku sugnaa.
Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre oo uu dhalay Suldaanka garoonka loogu magac-daray, Wasiirka Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe, Wasiirka Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Maayarka Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa garoonka ka hadlay, waxaanay Guddoomiyaha uga mahadnaqayeen sida uu xilka isaga saaray booqashada garoonkaas oo inta badan aanay masuuliyiintu tagin.
Garoonka xaafadda Sheekh Nuur ee degmada Gacan-libaax oo uu isna Guddoomiyuhu booqashadiisa ku soo maray, waxaana halkaas ku qaabilay dadweyne badan oo ku sugnaa garoonka oo waayeel iyo dhallinyaro isugu jiray, waxaana halkaas hadallo kooban oo ku saabsan sida uu guddoomiyuhu da’yarta u garab taagan yahay ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Md. Cumar Shucayb Maxamed.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna hadallo uu ka jeediyey garoomadaasi waxa uu da’yarta kula dardaarmay inay kobciyaan xirfadooda Kubadda Cagta si ay u metelaan qaranka Somaliland.

18838815_884268591711229_9116851327918304018_n 18766094_884268595044562_7796638775111299490_n