Garabka Dhallinyarada KULMIYE ee Heer Qaran oo Casuumad Dhiirrigelin ah u Sameeyey La-taliyaha Madaxweynaha ee Ciyaaraha

Hargeysa (GNN)- Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa casuumad dhiirrigelin ah u sameeyey La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha ciyaaraha ee dhawaan la magacaabay Md. Maxamed Cumar Cabdi (Xato).
Kulan afur iyo casho ah lagu maamuusayey La-taliyaha Madaxweynaha ee Ciyaaraha oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa caawa, waxa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre iyo Wasiiru-dawlaha Amniga ee Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, hoggaanka sare ee Garabka Dhallinyarada heer qaran ee KULMIYE oo uu hormood u ahaa Guddoomiye Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, dhallinyaro fara badan oo u badan ciyaartoy kubadda cagta oo isugu jiray kuwa heerkii hore ah, kuwa dhexe iyo qaar xilliganba ku gudojira xirfaddaasi, ganacsato, aqoonyahan iyo marti sharaf kale.
Xubno ka mid ah masuuliyiinta ka qaybgalay kulanka oo hadallo ka jeediyey kulankaasi, ayaa erayo bogaadin, hambalyeyn iyo dhiirrigelin ay la barbar istaageen La-taliyaha Madaxweynaha ee Ciyaaraha kadib waxay ka xog-warrameen doorka xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu ay siiyeen dhallinyarada Somaliland iyo kaalinta ay kaga jiraan ee uu hormoodka ugu yahay Madaxweynaha Qaran Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

19146285_430650497298675_8516832165568424935_n 19145703_430649710632087_97805537709840438_n 19060010_430650040632054_7991900598858953226_n19146285_430650497298675_8516832165568424935_n