Golaha Ammaanka oo baaq deg deg ka soo saaray Xiisada u dhaxeysa Jabuuti iyo Eritrea.

June 21, 2017 Jabuuti  (GNN) –Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro muranka dhanka xuduuda ee u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti, kaddib markii ciidamo nabad ilaalin oo ka socday Jabuuti ay todobaadkii hore isaga baxeen aagga dhuleed ee muranka ka jiray.

Golaha Ammaanka ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xiisada ka soo cusboonaaday xuduuda dalalka Jabuuti iyo Eritrea, kaddib markii uu Midowga Afrika u soo gudbiyay warbixin cabasho ah oo ka timid Jabuuti

Jabuuti ayaa ku eedeysay Ciidamada Eritrea inay la wareegeen dhullka buuraleyda ee Dumeira, maalin kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada nabad ilaalinta Qatar ee halkaas dhex dhexaadinta u joogay tan iyo sanadkii 2010.

Golaha Ammaanka ayaa dhageystay warbixin uu u soo gudbiyay Midowga Afrika oo ku saabsanaa xiisada sii kordheysa ee labada dal u dhaxeysa, waxaana uu ku baaqay in muranka ka jira xuduuda lagu dhameeyo si nabad ah oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyay dadaalada uu Midowga Afrika wado, kaasoo la doonayo in Guddi xaqiiq raadin loogu diro xuduuda, si ay u soo qiimeeyaan xaalada.

Xubin ka tirsan Golaha Ammaanka ayaa sheegay inay Midowga Afrika ka wada shaqeynayaan, si loo abuuro jawi degan oo la is xakamaneynayo, sidoo kalena ay soo dhoweynayaan eegista dhisida hanaan kalsooni oo labada dhinac mustaqbalka lagaga abuuri karo.

Ka bixitaanka ciidamada Qatar ka socday ayaa ka dambeysay, kaddib markii dalalka Jabuuti iyo Eritrea ay taageereen mowqifka xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa lababa xiriir wanaagsan la leh Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, taas oo keentay inay la saftaan dhinac la saftaan.11