Hargeysa: Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Ganacsato

Hargeysa (GNN):- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shaalay bacadlaha magaalada Hargeysa ka soo xidhay ganacsato lagu eedaynaayo inay dalka keenen kabaha caruurta oo ay hoosta kaga qorontahay magaca Alleh SWT .

Ganacsatadan oo la sheegay inay kabahan ugu tallo galeen un ay ibiyaan maalmahan ciidda si ay caruurtu ugu ciida ayaa waxaa lagu soo qabtey dabagal la sheegay in ay sameyeen ciidamada Booliska gaar ahaan qeybta wardoonka , waxaana la sheegay in baadhista kiiskan loo gacan galiyey haay’adda baadhista danbiyada ee C.I.D

Kabaha noocan ah ayaa mararka qaarkood lagu arkaa dunida Muslimka , waxaana ganacsatada u soo qariya shirkadaha sameeya oo ka leh dano iyo ujeedooyin fog