IGAD Oo Laba Wakiil U Kala Magacawday Dalalka Koonfurta Sudan iyo Soomaaliya

dis.Abba (GNN): -Dr Maxamed Cali Guyo, ayaa loo soo magacaabay wakiilka cusub ee Urur Gobolleedka IGAD u fadhin doona dalka Soomaaliya.

War-murtiyeed ururka uu kasoo saaray kulankoodii kusoo idlaaday magaalladda Addis Ababa, ayaa lagu shaaciyay magacaabida wakiilkooda cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Afey, oo hore u ahaa wakiilka IGAD ee Soomaaliya, ayaa dhawaan waxaa loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Soomaaliya, waxaana laga dhur sugayay mas’uulka kale ee booskiisa loo magacaabi doono.

 

Dhinaca kale ee Urur Gobolleedka IGAD, ayaa wakiilkooda cusub ee dalka Koonfurta Sudan u magacaabay Ambassador Ismali Wais.

Shir madaxeedkii ka furmay dalka Itoobiya ee looga hadlayey arrimaha Koonfura Suudaan ayaa lagu magacaabay Dr Maxamed Cali Guyo iyo Amb. Ismaaciil  Wais.

Dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa xubno ka ah Urur Gobolleedka IGAD.