Khasaaraha Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Galabta Fiidkii Ka Dhacay Duleedka Galbeed Ee Hargeisa

Deg deg : Shil Gaadhi oo aad u Naxdin badan ayaa Maanta Galabnimadii ka dhacay Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa,Alle Haw Naxariistee Waxaa halkaa Ku Dhintay Saddex Qof oo hal Gaadhi wada saarnaa mid ka mid ahina wax uu ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Policekae oo Magaciisa la yidhaa Amarre, halka labada kalana ay ahaayeen Darawalkii Gaadhiga waday iyo Qof ka saddexaad oo ahaa Arday Da’ayara.

Khasaaraha Shilkan Oo Sababay Dhimashada Saddexdaasi Ruux Iyo Dhaawaca dad kale ayaa ka yimid isku dhaca saddex baabuur oo mid yahay Gaadiidka Xamuulka Qaada.

 

Labada Gaadhi ayaa mid kamid ahi Gubanayay waxaana halkaa gaadhay Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dabkii ka kacay gaadhiga weyn oo ahaa Gaadhi Shamboo sidayna Khudaar halka gaadhiga kalena uu ahaa Grande Marki II.

Waxaa iyaguna halkaa goobjoog ka haa Ciidamada Amaanka iyo Ciidanka Taraafikada ugu dambayna waxaa halkaa lagu qaaday Maydkii Amblunceka Dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Si Kasta Ha Ahaatee Shilalka Noocan oo kale Ah ee Soo Noqnoqday Ayaa Sabab Looga dhigay Jidhka isku Xidha Galbeedka Iyo Caasimada Hargeisa Oo Burbur Xoogan Iyo Godod Ka Muuqdaan Marka lagu safrayo Taas Oo sababta In Badan Khasaaraha Naf iyo Maalba Leh ee Inta Badan Ka Dhaca. Iyadoo Aad Moodo in Gabi Ahaanba Ay Ilowday Wasaaradii Shaqadan u Xilsaarnayd.

Exit mobile version