Madaxweynaha Somaliland Oo tacsi U Diraya Qoyska, Iyo Qaraabada Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto)

Madaxweynaha Somaliland Oo tacsi U Diraya Qoyska, Iyo Qaraabada Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto)
June 5m6,2017
TACSI MADAXWEYNE : 05/06/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05-June-2017, Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu door muhiima ka soo qaatay dib u xorayntii iyo dib u dhiskii dalka Somaliland, isagoo ka mid ahaa mujaahidiintii wakhtigooda u huray in shacbiga Somaliland u maanta ku naloodo xasilooni iyo nabadgelyo taam ah.

Madaxweynuhu waxa uu marxuum ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ahna
Ku simaha Af-hayeenka.