Markab Dagaal Oo Ay Leeyihiin Ciidamada Badda Ee Dalka Mareykanka Oo Shil Galay Iyo Khasaare Ka Dhashey

Markab Dagaal Oo Ay Leeyihiin Ciidamada Badda Ee Dalka Mareykanka Oo Shil Galay Iyo Khasaare Ka Dhashey.

Markab dagaal ay leeyihiin ciidamada Badda dalka Mareykanka ayaa galay shil kadib
markii ay isku dhaceen Marakb kale oo nuuca xamuulka qaada ah, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro soo gaadhay Ciidamada Badda dalka Mareykanka.

Todobo askari oo katirsan ciidamada Badda dalka Mareykanka ayaa la la’yahay nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen, ciidamadan ayaana la socday Marakabka lagu magacaabo USS Fitzgeralds oo ku sugnaa xeebaha dalka Japan.
Markabkan shilka galay ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen dhoor askari oo katirsan ciidamada Badda dalka Mareykanka , waxaana dadka dhaawacmay ku jira taliyihii ciidanka saarnaa Markabka , waxaana dhaawacyada lagu qaaday Diyaarad Helicopter ah oo isbitaal lagu geeyay.

Shilkan ayaa ka dhacay meel 104 km dhanka koonfureed kaga began magaalada Yokosuka ee dalka Japan, walina ma cada waxa sababay shilkan khasaaraha uu kasoo gaadhay ciidamada Badda dalka Mareykanka ee ku sugan biyaha dalka Japan.
Sargaal katirsan ciidamada Badda dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhaawaca taliyaha markabka saarnaa uu hada wax xoogaa kasoo reenayo, waxa uuna sheegay in lagu daweenayo isbitaal kuyaala magaalada Yokosuka ee dalka Japan.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa la sheega in ay tahay marin aad u mashquul badan, iyadoo marin u ah maraakiibta u socdo, kana socda caasimadda Japana ee Tokyo, waxaana Sawiro iyo Muuqaalo laga soo qaaday Marakbkan laga dareemayaa bur bur xoog leh oo soo gaadhay

Exit mobile version