Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Iyo Maamulka Gobolka Oo Usoo Xidhay Tartankii Bisha Ramadaan ee Magaalada Gabiley.

Gabiley(GNN):-Xisbiga KULMIYE, ayaa soo xidhay tartankii bisha barakaysan ee Ramadaan ee ka socday magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley galabta.
Tartankan oo agabkii lagu ciyaariyey iyo diraysyadii kooxahaba uu maalgaliyey xisbiga KULMIYE, kana qaybgaleen 16 kooxood oo heerka koowaad ah iyo 20 kooxood oo heerka labaad ah ee kubadda cagta ah iyo weliba 8 kooxood oo ka qaybgalayey tartanka kubadda gacanta ama kollayga, waxa xidhitaankiisii ka qaybgalay Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Wasiirrada Wasaaradaha Warshadaha iyo Caddaaladda –
Shucayb Maxamed Muuse iyo Axmed Faarax Cadarre, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil, Agaasimayaasha Shaqada iyo Caafimaadka – Md. Maxamed Ilkacase iyo Md. Saleebaan Jaamac Dirir, Guddoomiyaha KULMYE ee dalka Sweden Mr. Fu’aad Kaamil, masuuliyiinta heer degmo iyo gobol ee Gabiley iyo marti sharaf kale iyo boqolaal dadweyne ah.
Masuuliyiintu waxay halkaasi ku guuddoonsiiyeen koobab, billado iyo abaalmarinno kaleba kooxaha ku guulaystay tartamada heerka kowaad iyo labaad ee kubadda cagta iyo kooxdii hantiday kubadda kollayga.

Exit mobile version