Daawo-Maxkamada Ciidamada Soomaaliya Oo Go’aan Ka Soo Saartay Dacwad Loo Haystay Eedaysanihii Dilay Wasiirkii Hawlaha Guud

Muqdisho(GNN):-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday eedaysane loo haystay xilkii wasiirkii hawlaha guud ee soomaaliya.

Maxkamada oo fadhi ka yeelatay dacwada loo haystay eedaysanahan ayaa waxay ka soo saartay go,aan ay sheegtay in laga qaadan karo racfaan.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Ayaa Soo Saartay Go,aankan

Taariikhdu markay Ahayd 14/06/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay mar sedaxaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax Cabdi ku dhashay Galgaduud ka tirsan Ciidanka Bada XDS, Kaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku
soo eedeeyey dambiga ah dil bareer ah kadib markii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu waday Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u-dhiska Xukuumada Federaalka hal xabad oo ka mid ahna ay wejiga kaga dhacday marxuumka sidaasna uu ku geeriyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in Tr 28/04/2017 abaaro 15:00 galabnimo uu sameeyay isku day dil kadib markii asagoo saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga X/jajab iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay isgoyska ceel-gaab sidaasna looga qaaday Eedaysanaha qorigii uu watay.

     Axmed Cabdilaahi Cabdi Eedaysanaha La Xukumay

Maxkamaddu

Markay Aragtay:-Eedii uu soo gudbiyey xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida oo ku xusnayd Aayadda 178aad Suuratul AL- Baqara iyo Qod. 434 XCS.

Markay Aragtay:-qoraalka eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu 2 xabad ku riday gaariga uu waday wasiir siraaji, sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in 28/06/2017 laga qaaday qorigii uu ku qornaa kaddib markii ay murmeen ciidamada ilaalinaayay Ceel-gaab.

Markay Dhagaysatay: –Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay arkayeen eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) oo xabad ridaaya marki la joojiyay gaariga uu saarnaana uu isku dayay in uu baxsado sidaasna ay si qasab ah ugu xireen.

Markay Aragtay:-Cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qorigii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan.

Markay Dhagaysatay: –Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.

Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu yahay dembiile galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay dil toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji.

Sidoo kale maxkamadu waxay Amreysaa in xabsiga laga siidaayo S/A/le Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliyeed, hadii aan loo haysan dambi kale.

Maxkamada ayaa ugu danbeyntii, sheegtay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda u furan tahay in in ay qaadato Rafaan