Nin Soomaali Ah Dad Ku Qafaashay Dalka Australia Oo La Dilay

Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso, waxa ayna sheegeen Yacquub Kheyre uu dhismo ku yaala magaaladaasi ku qafaashay qof dumar ah ka hor inta ay boolisku toogasho ku dilin.

Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in sanadkii 2009 loo xiray eedeymo ah in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah xero milatari oo ku taala magaalada Sydney balse markii dambe dambi lagu waayay.

Kheyre ayay boolisku toogasho ku dileen kaddib muddo kooban oo ay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo booliska.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo booliska ka tirsan.

Taliyaha booliska gobolka Victoria, Graham Ashton, ayaa sheegay in Kheyre uu telefishin magaaladaasi ku yaala uu taleefoon kula hadlay, isaga oo u sheegay in weerarkaasi uu ku matalayo kooxda Dowladda Islaamka.

Kooxdaasi ayaa markii dambe sheegtay in xubinnimada Australia ee xulufada uu Mareykanka hoggaamiyo ee dagaalka kula jirta kooxdaasi ay sabab u tahay weerarkaasi.