Qiimaha Sarrifka Doolarka Oo Halkii U Saraysay Gaadhay Iyo Amaradii & Qorshahayaashii Xukuumada Oo Socon Waayey.

Hargeisa(GNN):-:-Qiimaha sarrifka dollarka ee suuqyada Hargeysa ayaa u muuqda inaanu sare u kac mooyee jirin wax hoos u soo noqonayaa, waxaanu halkii dollar marayaa halkii abid ugu saraysay oo ah in halkii dollar laguugu bedelayo 9500 oo ah lacagta Somaliland, halka markaad lacagta Somaliland sidato laguugu bedelayo 9600 halkii dollar.

Marka ay sidaas tahay waxay gacmaha koowaad iyo labaad ee sarrifka dollarka ee suuqyada Hargeysa marayaa halkii ugu saraysay taariikhda Somaliland.

Sarrifka dollarka ee sare uu sii socda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo lagu gudo jiray bishii Ramadaan iyo maalmihii ciidda Ramadaan oo foodda inagu soo haya, waxaanu saamayn

adag ku yeeshay shacabka Somaliland oo uu ka saameeyay quutal daruuriga iyo baahiyaha bulsho ee kale.

Qiimahan sare ee sarrifka dollarka, ayaa wuxuu hoos u dhigay qiimihii lacagta Somaliland oo la dareemayo inay yaraatay in suuqyada wax lagaga iibsado.

Waxaana gebi ahaanba meesha ka baxay amaro iyo qorsheyaal xukuumadda Somaliland la timid si loo xakameeyo sarrifka dollarka ee keenay sicir bararka dalka saameeyay. Marka koowaad waxa socon waayay amarkii xukuumaduka soo saartay labada gacmood ee sarrifka. Xukuumadda ayaa go’aamisay in boqolka dollar laguugu sarrifo 700,000 oo shillinka Somaliland ah, halka marka aad shiillinka Somaliland sidatana dollarka laguugu bedelayo 750,0000 oo lacagta qaranka ah.

Sidoo kale lacag adag oo uu baanka dhexe sheegay inuu ku soo daayay suuqyada Hargeysa si loo jebiyo sarrifka ayaan iyaduna shaqaynin oo noqotay hal bacaad lagu lisay.

Geesta kale ganacsatada Somaliland ayaa iyaguna maceeshada waxay ku salaynayaan sarrifka dollarka ee sare u socda, waxaana qiimaha maceeshada muddooyinkan dambe lagu arkayay isbedel qiimaha ah oo xoog badan, kaas oo aanay dadka Somaliland ee danyarta u badani awoodi karin.

Source:- Wargeyska Geeska Afrika