Shil Gaadhi Oo Aad U Naxdin Badan Oo Galabta Ka Dhacay Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa+SAWIRRO

Shil gaadhi oo aad u naxdin badan ayaa galabnimadii maanta ka dhacay duleedka galbeed ee Magaalada Hargeysa, waxaana halkaa ku dhintay Alle haw naxariistee saddex qof oo kala ah darawalkii gaadhi waday iyo laba qof saarnaa, laba qof ee saarnaa mid ka mid ahina wax uu ahaa askari ka tirsan ciidanka booliska oo Magaciisa la yidhaa Amarre, halka labada uu ahaa arday da’ayara.15 13-1 12 11-1 9-1 7-2 6-2 4-3 5-3 3-4 2-9Labada gaadhi ayaa mid kamid ahi gubanayay waxaana halkaa gaadhay Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dabkii ka kacay gaadhiga weyn oo ahaa Gaadhi Shamboo sidayna Khudaar halka gaadhiga kalena uu ahaa Garande Marki ah.
Waxaa iyaguna halkaa goobjoog ka haa ciidamada ammaanka iyo ciidanka taraafikada ugu dambayna waxaa halkaa lagu qaaday maydkii ambalancka dhakhtarka weyn ee Magaalada Hargeysa.