Siyaasi Cabdkariim Axmed Mooge Oo Soo Bandhigay Qaab Ay Shirkada DP World U Maamusho Dhaqaalaha

Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa soo bandhigay qaab qarsoon oo ay shirkada DP World u maamusho lacagaha ka soo xarooda dekeda magaalada Berbera.Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge oo qoraal uu kaga hadlayo halka lagu kaydiyo lacagta ka soo xaroota dekeda Berbera iyo qaabkay dawlada somaliland u isticmaasho dekedaasi ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa dhaliilay nidaamka maamul ee DP World.
Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-
DP World lacagta ka soo xaroota Dekeda Berbara “ Somaliland Deeq” kuma keydsadaan Baanka Somaliland, waxanay u muuqata in Bangiga Berbera oo lagu keydin jiray lacagta ka soo xaroota Dekada in laga guuray iyaga oo uga wareegay Banaan madax banaan. Isla marka ay lacagtaasi ku dhacdo baanka gaarka loo leeyahay waxa ay ka qataan accountka ay kaga leeyihiin Dubai, iyaga oo ku kaydsata Banaanka ay iyagu aminsanyihiin. Halkan waxa isu kay qaban’la in shirkadan aynu ku amiinay wixii ugu qalisanaa dalkeena in laga yeelo in ay banaankeena ka dhigto meel aanay lacagta dhigan karin waliba ku darsoo lacagataas ay inagu amiini la’yihiin waa lacagteeni ka soo baxday Dekadeena Somaliland Deeq!
Waxa taas ka sii daran qaabkan ay u maamulayaan lacagta ka soo xaroota Dekadeenu waxay qayb ka tahay dolar-barar iyo ashcaarta qaali garowday wadankeena, waxaana taas daliil u ah DP World waa sida Shirkad Jaad oo kale waayo habeenkii marka gabalku dhaco waa in lacagta ku soo gasha shilingka Somaliland loogu badalaa dollor! waana sabab kale oo dolorku kor ugu kacay wadankeenan Somaliland. Sidoo kale Baanka Dhexe Somaliland isha ugu weyn ee u ka heli jiray lacagta adag waxay ahayd Dekada Berbara, lacagata ugu badan ee lagu kaydin jirayna waxay ahayd lacagta ka soo xaroota Dekada lacagtaasi maanta waxay taala Baanan ku yaal Dubai.
Ma ogtahay in lacagta adag ee ay ka qabtaan Dekadeena iyaga oo aan wali wax maalgashi ah ku samayn dekadeena in ay dhantahay 3 milyan oo dolar bishii oo anay ku jirin lacagta ay ku qabtaan shillinka/SL , tani waxay ku tusaysaa in hadii dekadeena inaga oo aan wareejin aynu maamulkeeda hagajisan lahayn oo musaqa la dagaalami lahayn in lacag badan oo aan cidna inala lahayn ay ka soo xaroon lahayd.
Sida ku cad heshiiska la qariyay ee DP world iyo Somaliland, DP World waxay xaq u leedahay in ay kordhin karto lacagaha ay qaado! marka qudha ee Somaliland ka hor iman kartaa kordhinta lacagaha la qaado waa marka DP World ay hal dolar dhaafiso lacagaha ay qadaan dekadaha jaarku. Kordhin kasta oo DP World samaysaa waa culays ku soo kordhaya ummadan marka horeba iska dhiban. Sidoo kale ka dib markii ganacsatada yaryari ku dawakhday sida DP World wax u wado bagaashkoodi waxay ula waregeen dekadaha yaryar sida Saylac qaarna waxa la sheegaya in ay xagaa iyo Bosaaso quuddaraynayaan in ay bagaashkooda kala soo degaan.
Waxa sidoo kale laga rabaa dawladu marka ay la soo degto qalab in ay bixiso lacagaha la qaado, waxaanay taasi soo shaac baxday markii dhawaan qalab u yimi wadada Ceerigaabo, uu in mudo ah ku xanibnaa Dekada Berbara, ilaa madaxweynuhu codsi u qoray DP World. Tan aad baryaysaa waa dekadaadi Somaliland Deeq hada! Waxaana igu maqaalo ah in ay reeban tahay in qalab ciidan ka soo degi karo dekada madaama oo DP World ay u hogaansantahay cuno qabateynta hubka ee saaran dhulkii laysku odhan jiray Somalia, sidaas darteet iyada oo cabsi ka qabta in qolooyinka dabagalka hubku in ay warbixin ka qoraan wax hub ah Somaliland kalama soo degi karto dekada! Markaa hadii Somaliland hub ula soo degayso ciidankeeda xitaa uma madax banaana Dekadii ay lahayd!
ALA MAXAA XOG KAA DAHSOON SHACABYAHOW HURDAA!