Wajaale(GNN):-Ururka Taakulo oo ay ku Bahoobeen Dhalinyarada Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale ayaa maanta wacyigalin Balaadhan oo dadka lagaga Wacyigalinayo sidii loo xamayn lahaa xanuunka shuban biyoodka ka Bilaabay gudaha magaalada Tog Wajaale ,
Ururkan oo ah urur Dhalinyaro ah oo iskood isku abaabulay ayaa wacyi galintooda ka bilaabay gudaha magaalada wajaale iyo xarumaha caafimaadka ee magaalada .
Wacyigalintan Ururka taakulo ayaa waxaa munaasibadan kala Soo qaybgalay gudoomiyekuxigeenka degmada togwajaale iyo xoghayaha degmada togwajaale Mr Samaale
Ugu horayn waxaa ololahan wacyigalinta ah ka hadlay afhayeenka ururka taakulo Maxamed Xuseen Nuur, :waxaa ololahan nagu kalifay waa sidii aanu uga hortagi lahayn afaada xanuunka shuban biyoodka oo aynu ogahay sidii uu u waxyeeleeyay goboladii dalka ee uu kusoo horeeyay xanuunkani waxaanan u dadaali doonaa sidii aynu uga badbaadin lahayd shacabkeena, ayuu yidhi,
Waxaa sidoo kale wacyigalintan ka hadlay xubno kale oo kamida ururka taakulo.
Dhanka kale waxaa isna ururka taakulo hawshan ay isku xil saareen ee ololaha caafimaadka ah uga mahad celiyay xogahayaha degmada Mr Samaale oo isagu sharaxaad ka bixiyay sida ay u halwgalidoonaan kuna amaanay sida xilkasnimada leh ee ay isku soo abaabuleen ururkan taakulo .
HALKAN KA DAAWO MUQAALKA URURKA TAAKULO IYO MASUULIYIINTA KALE .