Ururka samafalka ee la yidhaahdo Himilo Action Group,oo marka la soo gaabiyana loo yaqaano (HAG) ayaa maanta oo bishu tahay 22/06/2016 u qaybiyay dadka danyarta ee ku nool magaalada gabiley deeq raashin ah oo ka koobnayd , bariis, daqiiq, iyo sonkor oo ururka ka soo ururiyay dad samafalayaal ah oo soo bixiyay saakatul fidridii iyo sadaqo dheeraad ah.
Dadkan danyarta oo tiradoodu aad u badnayd ayaa ka koobnaa dadka ugu jilicdasan ee ku nool magaalada Gabiley oo iskugu jirey, Agoomo,dad xanuusanaya iyo dad kale oo aad u jilicsan dhaqaale ahaan.
Maaha markii ugu horaysay ee ururkan (HAG) kaalmooyin soo gaadhsiiyo gobalka gabiley. Waxay ahayd dhawaanuun markii u soo gaadhsiiyay deeqmooyin ka koobnayd Timir iyo buugaagta manaahijta dhamaan dugsiyada hoos yimaada gobolka gabiley ee ka arradan agabkaa waxbarashadaa, isagoo jaamacada timacaadena hore u gaadhsiiyay buugaag tayadoodu aad u sarayso oo waxbarashada sare ah.