Ururka Samafalka ee Himilo oo deeq zakaatul fidri ah gaadhsiiyay Gobolka Gabiley

Ururka samafalka ee la yidhaahdo Himilo Action Group,oo  marka la soo gaabiyana  loo yaqaano (HAG) ayaa maanta  oo bishu tahay 22/06/2016 u qaybiyay dadka danyarta ee ku nool magaalada gabiley deeq raashin ah oo ka koobnayd , bariis, daqiiq, iyo sonkor oo ururka ka soo ururiyay dad samafalayaal ah oo soo bixiyay saakatul fidridii iyo sadaqo dheeraad ah.
Himilo Action Group1
Dadkan danyarta oo tiradoodu aad u badnayd ayaa ka koobnaa dadka ugu jilicdasan ee ku nool magaalada Gabiley oo iskugu jirey, Agoomo,dad xanuusanaya iyo dad kale oo aad u jilicsan dhaqaale ahaan.
Maaha markii ugu horaysay ee ururkan (HAG) kaalmooyin soo gaadhsiiyo gobalka gabiley. Waxay ahayd dhawaanuun markii u soo gaadhsiiyay deeqmooyin ka koobnayd Timir iyo buugaagta manaahijta dhamaan dugsiyada hoos yimaada gobolka gabiley ee ka arradan agabkaa waxbarashadaa, isagoo jaamacada timacaadena hore u gaadhsiiyay buugaag tayadoodu aad u sarayso oo waxbarashada sare ah.