Wadamo Carbeed Oo Xidhiidhka U Jaray Dawladda Qadar

Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xidhatay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.

Wakaaladdu waxay soo xigatay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay uga golleeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhammaaan gaadiidka qadar ka xidhatay hawadeeda iyo dakadaheeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa dublamaasiyiinta Qadar u qabatay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM.

Wakaaladda wararka ee Baxrayn ayaa sheegtay in dalkoodu uu calaaqaadka u jarayo Qadar sababtuna ay tahay in ay gilgishay ammaanki iyo daganaanshihii Baxrayn ayna qasayso dalkooda

Dalalkaasi waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto ururrada argagixisada oo uu ka mid yahay midka Akhwaanul Muslimiin ama Muslimiinta walaalowday.

Exit mobile version