War Dega Dega, Nin Ganacsade Ah Oo Goor Dhawayd Xabad Lagu Dhuftay Hoteeel Maansoor Ee Berbera,

Ninkani Bada Ayuu Kusoo Dabaashay, Askaraigana Way Is Afdhaafeen, Taliyaha Qaybta Bilayska Ee Gobolka Saaxil

Galbta Maqribkii Ayaa Nin ganacsade Ah Oo Kasoo Baxay Bada Xeebta Batlaaale Waxaa xabad Ku Dhuftay Askari kamida Illaalada Ciidanka Milatariga Ee Hoteel Maansoor Berbera,

Sida Uu taliyaha Qaybta Booliiska  Ee  Gobolka Saaxil   Aadan Cabdi Cawaale  u Sheeegay Shabakad Wararka Ee HWN, Ninkan   Gnacsadaha Ahi Baduu Kasoo baxay waxaanu Isku Dayay In Uu Kusoo Maydho Musqulaha Hoteela Qaybtiisa Galbeedka Ku Taala, Laakiin Askarigaas Milatariga Ah Ayaay wada hadleen Sidaanu Xogta Ku Heelnay Kadibna way Is Afdhaafeen , Sidaas Ayaanay Xabadu Ku Qaraxday, Taliye Aadan Cabdi cawaale Wuxuu Intaa Ku daray In Askarigii La Xidhay , Ninkii Ganacsadha Ahaa Ee Dhaawacmayna Loola carary Xaga Cisbitaalka Hargaysa,

Sidoo Kale Wuxuu taliyuhu Sheegay in Aan ay Is Aqoon Askariga iyo ganacsaduhu ,Wax Xumaanina Aanay
Ka Dhaxaynin Laakiin Illahay Intaa ka Qadray

Ganacsdahan Ayaa Magaciisa La Yidhaa Kayse Garas,

Wixiii wara Intaa Kasoo Kordha waanu Idinla Soo socodsiin Doonaa,