Xisbiga Kulmiye Oo Agab Ciyaareed Ku Wareejiyey Gobolada Buuhoodle Iyo Badhan+Sawiro

Hargeysa(GNN):-Hoggaanka garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE, ayaa agab ciyaareed xisbigu ugu talo galay tartamada kubadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaanta ku wareejiyey gobollada Buuhoodle iyo Badhan.

Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, ayaa agabkan oo ku kooban kubbado, koobab, billado iyo diraysyo ku wareejiyey saraakiisha xisbiga u qaabilsan gobollada Buuhoodle iyo Badhan, kuwaas oo si weyn uga mahad celiyey.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Buuhoodle Md. Saleebaan Cabdi Xuseen(Dhego-weyne), ayaa ka hor intii aanu agabka ciyaareed guddoomin gobolka hadallo kooban jeediyey, ayaa ka mahadnaqay sida uu xisbiga KULMIYE u garab taagan yahay da’yarta ku dhaqan gobollada dalka, waxana uu tilmaamay inay tahay tallaabo uu xisbigu ku kasban karo taageerayaal hore leh.

Cali Maxamed Cali oo katirsan saraakiisha sare ee KULMIYE oo guddoomay agabka uu xisbigu ugu talo galay gobolka Badhan, ayaa sidoo kale xisbiga ku bogaadiyey go’aamada ku dayoshada mudan ee uu ku garab taagan yahay dhallinyarada gobollada dalka ku dhaqan.

Siyaasi Cali Maxamed Cali waxa uu sidoo kale tilmaamay in sida xilkasnimada leh ee uu xisbiga KULMIYE muhimadda u siinayo da’yartu marag u tahay inuu xisbigu dhisayo mustaqbalka soo socda, dhiirrina gelinayo jiilasha dhaxalka waddanka xaqa u leh.

Guddoomiyaha garabka Dhallinyarada ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, ayaa isaguna shaaciyey inuu agabkani qayb ka yahay agab-ciyaareeddo dhammaystiran oo uu xisbigu ugu talo galay dhammaanba degmooyinka iyo gobollada dalka, ujeeddadooduna ahayd dhiirrigelinta da’yarta soo koraysa.

Deeqdan agabka ciyaaraha ka kooban ee uu xisbigu ku wareejiyey gobollada Buuhoodle iyo Badhan, ayaa qayb ka ah deeqo sidan oo kale ah oo uu xisbigu hore ugu wareejiyey gobollo badan oo dalka kamid ah, kuwaas oo lagu wareejinayey dhallinyarada ka qayb gelaysa tartamada kubadda cagta bisha Ramadaan oo meelo badan oo dalka kamid ka socda.

 

Gabiley.net