Abwaan Caan Ka ahaa Dalka Somaliland Oo Geeriyooday iyo Dhaxalka Suugaantii uu Bulshada Uga Tagay.

Hargeisa(GNN):- Abwaan Cabdisalaan Caara-Dhuub oo ka mid ahaa abwaaniinta caanka ah ee reer

soomaaliland ayaa goordhaweyd la xaqiijiyay geeridiisa , alle ha u naxariistee abwaan Cabdisalaan ayaa maalmihii u dambeeyayba waxaa uu ku jiray xaalad caafimaad oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay .

Ugu dambeyntii maanta ayuu alle ka dhigay maalintii ifka ugu dambeysay, riwaayado heeso iyo gabayo caan ahaa ayuu abwaanku sameeyay intii uu noolaa waxaana aanu idiin soo deyn doonaa qaybo ka mid ah fankiisa sida gabayadii iyo heesihii uu curriyay abwaanku inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun.