Ciidamada Booliska Iyo Nabad-sugida Wadooyinka Somaliland Oo Saaka Hawl Gallo Balaadhan Ka Fuliyey Caasimada Hargeysa+Ujeedada Hawl galka

Ciidamada Booliska Somaliland iyo ciidamada Nabad-sugida Somaliland oo iskaashanaya ayaa saaka subaxii hore hawl gallo balaadhan ka fuliyey  gudaha caasimada Hargeysa.

Ciidamadan ayaa iyaga oo koox koox u wada socday waxay taagnaayeen wadooyinka caasimada,iyaga oo darawaliinta gaadiidkana waydiinayay sharaciigi waddo marista iyo sharcigii gaadhiga,waxaana ciidamadan sidoo kale ay hawl galladan ka fuliyeen Kaantaroolada galbeedka iyo bariga Caasimada Hargeysa.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay darawaliin lagu qabtay iyagoo sharci daro ku wada gaadiidka,waxaana sidoo kale ciidamadani ay gaadiidka ka jarjarayeen bacda madow ee muraayadaha gaadhiga lagu dhajiyo ee loo yaqaan Beersoosha.

Hawl gallkan saaka ay ciidamadu ka bilaabeen caasimada Hargeysa ayaa ah mid caadi ah oo qayb ka ah hawl galladan ciidamadu fuliyaan si ay u adkeeyaan nabadgaliyada.

Log11