Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Qaranka Somaliland eek u sugnaa jiidda hore ee Saaxdheer ay ku soo ruqaansadeen Buuhoodle oo ay ka dareemeen dhaq-dhaqaaq ciidan.
Magaalada Buuhodle iyo deegaanada ku xeeran ayaa xiisad ka taagan tahay maalmihii u danbeeyey,waxaana ciidamada Qaranka Somaliland ay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan adkaynta nabadgaliyada gobolada Somaliland,waxaana ciidamada Qaranka Somaliland ay galeen heegan culus.
Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanay ogalaanayn marnaba in magaalada Buuhoodle lagu qabto shir lagaga soo horjeedo qaranimada Somaliland iyo shir lagaga soo horjeedo wada hadalada Somaliland iyo kooxda khaatumo.
Wixii Kasoo Kordha Arintaa Kala Soco Gabiley.Net