Daawo-Aqoonyahan Cali Sh Maxamed Abdi Oo Fariin Muhiima U Diray Dawlada, Asxaabta Siyaasada, iyo Shacabka Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Aqoonyahan Cali Sh Maxamed Abdi (Aadami) oo Hore Uga Soo mid Noqday Masuuliyiinta Xilalka Ilaa Heer wasiir Kasoo Noqday Dawlada Somaliland Wakhtigii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Wakhti Xaadirkana ka Mid Ah Aqoonyahanka Dalka ee Wax ka Dhiga Jaamacadaha dalka Ayaa Fariin Muhiima u Diray Shacabka Somaliland iyo Dawlada Asxaabta mucaaridkana ugu Baaqay Inay Ka Shaqeeyaan Wixii Danta Shacabka Isku keenaysa Kana Taliyaan Sidii Qarankani u Gaadhi lahaa Horumar iyo Wax Lagu Hirto, Waxaana Uu Aqoonyahanku ku Dheeraaday In Layska Ilaaliyo Waxkasta oo Keeni kara Kala Qoqob iyo Qabyaalad Bulshada Kala Fogaysa.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka.