DAAWO Guddoomiye Cirro Oo Kulan Qado Sharaf Ah La Qaatay Cuqaasha Iyo Odeyada Ka Soo Jeeda Beelaha Ciise Muuse

Kulankan, ayaa guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen saraakiil ka tirsan Xisbiga WADDANI, Cuqaal iyo Madax-dhaqameed kale oo aad u tira badan, ayaa ay labada dhinac ba iska xaal waraysteen xaaladda guud ee dalka iyada oo ay si weyn isu la falan-qeeyeen sama-tabaxinta dalka iyo siddii loo badbaadin lahaa oo ay isla qireen in Xisbiga WADDANI yahay xisbiga ugu habboon ee maanta lagu aamini karo talada dalka sida oo kale na horumar iyo ictiraaf ba gaadhsiin kara qaranka Somaliland.