Daawo Wasiiru Dawlaha Amniga Oo Kulan Dardar Amniga Ah Iskugu Yeedhay Gaadhadhka Lixda Degmo ee Caasimada Hargaysa.

Wasiiru Dawlaha Amniga Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Muuse Diiriye Ayaa Maanta Xarunta Wasaarada Kulan kula yeeshay Gaadhka lixda degmo ee xaafadaha caasimaha Hargaysa.

Kulankan yaa daarnaa sidii oo dardar galin lahaa amniga iyo wada shaqaynta laamaha amaanka qaranka .
Wasiirudawlaha Ayaa dhamaanba gaadhka xaafada ku booriyey inay la shaqeeyaan laamaha amniga maadaama ay iyagu ka war hayaan xaafadaha isla markaana ay isha ku hayaan guryaha laga baxo iyo cida soo gashaba .

dhinaca kale guddoomiyaha guud ee gaadhka caasimada Hargaysa Maxamuud Ganay ayaa balan qaaday inay la shaqayn doonaan laamaha amaanka isla markaana ay dadka ku wacsi galindoonaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixinta.

Exit mobile version