Hargeysa-(GNN)-Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa ayaa laga hir geliyay Huteel Cunto oo aan noociisu hore dalka uga jirin hoteelkani oo loogu magac daray Mediterranean Restaurant ”Midhitareeniyan” ay waxa furay Ganacsato isugu jirta Somali iyo Turki waxana Munaasibaddi Furitaan Huteelkaasi oo si heer sare ah looso agaasimay kasoo qayb galay Masuuliyiin Xukumadda ka tirsan Siyaasiyiin haldoorka tira badan maamulka dugsiga Turkishka ah Ee NILE iyo marti sharaf kale. Waxana huteelkani oo laga bineeyay Meel Qiyaastii Wax ka yar 1 Km Koonfur Galbeed ka xigta hotel Ambasidoor Ee ka agdhow Madaarka Cigaal Ee Hargeysa,
Cuntooyinka lagusoo bandhigay madashi furitaanka Huteelkaasi iyo kuwa lagu samayn doono ayaa noqonaya Kuwa dalalka Laysku yidhaahdo Mediterranean -Ka iyo kuwa kaleba
.
Mulkiilaha Huteelkani Libaan M.Hajji Hasan oo ugu horaynba Munaasibaddasi ka hadlay ayaa dhankiisa iftiimiyay sidda ay usoo dhowaynayaan Cid kasta oo macmiil la noqosa hoteelkani islamarkaana hufnaan iyo karti dheeraad ah loogu adeegi doono guud ahaan martidda Huteelka sidoo kale Libaan waxa uu sheegay in Cheif ka huteelkani uu yahay nin Udhashay dalka Turkiga
Caaqil Cabdiweli oo kamid ah Madaxda dhaqanka Somaliland oo isna Xafladdi furitaanka hotelkani ka hadlay ayaa soo dhoweeyay Furitaanka Huteelkani
”Caawa laga bilaabo Macaamiishi Hudheelkanu noqonay Cunto cusub iyo waxyaabo badan oo aan jiri jirin ayuu soo kordhiyay waanuna uducaynayna ganacsatadda Furtay ee Turkiga iyo somalidda isugu jirta ilaahay haw barakeeyo turkiguna waa dad muslin ah oo aynu isku diin nahay waxanan leenahay wadanka kusoo dhowaadda waa dalkiini labaad wanan dhiiri gelinaynaa.”