Hargeisa(GNN):-Qaar kamida Suuqyada Gudaha Caasimada Hargeisa Ayaa Todobaadkii u Danbeeyey Lagu Arkayey Meherado ka Ganacsanaya Raashinkii Mucaawinada Ahaa ee Loogu Talo galay In lagu Caawiyo Shacabka Tabaalaysan Ee Ay Baro bixiyeen Abaaraha Kala Danbeeyey ee Saameynta Ku yeeshay Dad Iyo Duunyaba.
Waxaana Meherado kala Duwan Oo Aanu Dukaameysi u tagnay Ku Aragnay Noocyo Ka Mid Ah Raashimadii Ay Bulshada Muslimiinta Ah ee Dalalka Islaamku Kusoo Caawinyeen Shacabka Dhibaatadu Haleeshay ee Somaliland, Taas Oo Sida Sawirkan idiinka Muuqata Ay Tani Ka Mid Tahay Timirtii Dalka Qatar uu kusoo Caawiyey Shacabka danyarta ah ee Badbaadada u baahan, Waxaana Ku Xardhan Qoraalo Loogu Digayo inaan La iibin Karin Ganacsina aan laga dhigi Karin.
Sidoo Kale Iyana Waxaa Jira In Gudaha magaalada Wajaale Dhawaan Aanu kula Kulanay Baabuurta Xamuulka Qaada Oo laga Rogayo Biskudka(Buskud Diiq) Loogu talo Galay in lagu Caawiyo Caruurta Ay Ku Dhacdo Nafaqo daradu Oo si aan qiyaas lahayn uga buuxay bakhaarada iyo meherada aanu kormeerka ku marnay.
Ma Jiro Ilaa Hadda Wax War Ah Ama Talaabo Ah oo Ay Qaadeen Laamaha Amaanka Ee Dalku, halka aaney iyaguna kaba warhayn Gudidii loo magacaabay Gudida Abaaraha iyo Gudidii kasoo Kabashada Abaaruhu.
Sidoo Kale Waxaa Iyana Dad Xogogaal Ahi Noo Xaqiijiyeen In Mid kamida Kastamada Gudaha caasimada Hargeisa La Keenay Raashi Tiro badan Oo Wakhtigiisu dhacay oo ka Kooban Dhawr koontiinar oo Ahaa Raashinkii mucaanada Ahaa ee Dalalka Carabtu ku Caawiyeen Bulshada Balse wakhtigiisii dhacay, iyadoo masuuliyada arrintaa ay ka gaabiyeen dadkii loo xilsaaray.
Arrintan Ayaa Bulshada Intii Aragtay Ka Muujiyeen Argagax iyo Dareen damqasho leh
Waxaana Ay wax laga Xumaado ku Tilmaameen In heerkaa uu gaadhay musuqmaasuqii oo dib Loo Xaraashayo Xoolihii loogu Talo galay in Lagu Caawiyo Shacabka Dhibaatadu Soo Gaadhay ee Abaaraha Baahsani haleeleen.
Wixii Warar Ah ee Kasoo kordha Kala Soco Gabiley News Network.