Dhul-Gariir!.W/Q:C/naasir Guray Meecaad.

Waa Maqaalo Aan Dhulgariir Ugu Magacdaray kuna Muujin Doonno Astaamaha

   Astaanta Guusha Muuse.
Waa Maqaalo Aan Dhulgariir Ugu Magacdaray kuna Muujin Doonno Astaamaha Guusha Musharax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inoo Cadeynaya kuwo Aad Ogtahay iyo kuwo Aan Hadda Kuu Muuqan,Balse Jira kaagana Muuqanaya isla Sannadkan Aan Ku jirno ee 2017,Saddexdiisa Magac oo iyaguna u Taagan qayb Guushiisa ka mida,Iyo inta Madaxweynenimo ee  uga Horeysay Xilka oo Marka isaga lagu Daro Macno inna Siinaya unna Taagan Ama ay Arrimahani yihiin kuwo Cadeynaya Guusha Inoo Muuqata ee Aad Markhaatiga ka Noqon Doontaan intiina ay Naftu Ku Sinto.
Waan Dareensanahay Inay Caqliyadaada Yar ee Wareersan Ay Leedahay Suurta gal maaha!.
Siday Ku Dhici kartaa Suurta Galnimada Arrimahani?.
Waana Sobobta  Dhulgariir Aan ugu Magacdaray.Wax kastaana Waa Suurta Gal,Waanay Dhici Karaan!.
Tii Allena Waa Halkeeda.
Afeef;- Malihi Waxaan ahay Mid Qaybka(Wixii Alle Ku Maqan Wax ka Og,Xaasha’e Waxaan ahay Daciif Aan Waliba Dantiisa Aqoon,balse Taasi ii Diidi Mayso Inaan Maskaxdaydan Yar ee Haddana Hodonka ah adeegsado) Oo Aan Xisaab Aan Xisaab u Geeyo oo aan Maxsuul ama Jawaab kaaga soo Saaro kulana Wadaago Wixii Iiga Soo baxay,Adiguna Aad Markhaati iiga ahaato inaan Soo Kordhiyay ama Adeegsaday Cilmi Aan isleeyahay Wuxuu Ahaa isticmaalkiisu Mid inagu yar, Oo ah Malo-Awaal(Imagination)
Oo Waxaasi Hadday Dhacaan,Waxaa ka Iman kara Waxaa.
Hadda Hadduu Nin injineeri Ku yidhaa Gurigani Wuxuu Dumayaa konton Sanno ka Dib Markuu eegay Awooda uu Ku Taagan yahay Gurigaasi iyo Culayska Saaran,Oo uu sidaa Ku dumo Gurigaasi,Taas Macnaheedu Maaha Qaybka Ayuu Wax ka Ogyahay,Ee Waa Mid Cilmigiisu gaadhsiiyay.Tan Aan Soo Wadaana kama duwana Taasoo kale.
Kii Cilmi lehba Alle ayaa ka Cilmi badan.

Waxaynu u adeegsan Doonnaa Cilmiga Malo-Awaal(Calculation Imagination),Soomaalidu Waa kuwii Odhan Jiray “Inoo Malo Malee,Male Waaka Alle’e”.

Maxaynu soo bandhigi Doonnaa?

#Maxay u taagan yihiin Saddexda Magac ee Musharaxu Muuse Biixi Cabdi?
#Sidee buu Sannadku u Sheegayaa Guusha Muuse ee aanu Musharixiinta kale u Sheegayn?
#Maxay tahay waxa ay u Taagan yihiin Madaxweynayaashii Xilka uga Horeeyey,Sidayse Ku Cadeynaysaa Guushiisa?
#Ma Jiraa Tiro Dadka Reer Somaliland u Qaaliban Oo Astaan u ah Guushii Halganka iyo Guusha Gudoomiyahaba?
#Maxay tahay tiradaasi?
#InteebayLeeg tahay Codadka uu Doorashada ka Helayo insha Allah?

Kuwaas iyo kuwo kale Oo kuu muuqdaba kala soco Barta Facebook-ka ee Naasir Meecaad.

Aaway Qalin-Duurayaashii Waddani ee laga Fadhiyi waayey, idin Dhibi Maaye bal keenna Wax yar  Oo Aad Ku Cadeynaysaan Musharaxiinu Hadduu Guulaysanayo.Waxaan Hubaa inaydaan keenni karin!.

“Markaan Hoonka u Tumaay,Haadka bixiyaan
Hagaag Umma Talaabsado,Ninkaan Hamashka Saarraa”.
Abwaan Timacade(AHUN).
#NaasirMeecaad
………………………………………………

DHUL-GARIIR.Q1aad.
Maqaal ka Hadlaya Astaanta Guusha Muuse.

Ma Ogtahay In Magaca Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu yahay Marka la soo gaabiyo MBC,Kaasi oo la Magac ah Telefishan ka Caalamiga ah MBC-Tv oo laga leeyahay Dalka Masar, Taasi Oo ka Dhigan Telefishanada Kala Soco Guushiisa uu ka gaadhayo Doorashada Dalka ka Qabsoomi Doonta Sannadkan Dabayaaqadiisa insha Allah.

Marka Musharaxa Magaciisa Xisaab loo Rogo ee Xaraf-Xaraf loo Tiriyona Wuxuu Noqonayaa Sidan:-

Muuse(Shan Xaraf,5x)
,Biixi(5x),Cabdi(5x).Marka la iswada dhinac dhigana Noqonaysa 555,Oo la Raacshay Saddex goobeedyada() oo Goobadiiba inay u Taagan tahay Ebar(0)Aan ka soo Qaadno, Waxay Noqonaysaa,Tiro Xarafeedyada oo la dhinac dhigay
Tiro Goobeedyadu waxay noqonaysaa sidan;-
Shan boqol,Shan iyo Kontan Kun 555,000.
Haddaba Akhriste Maxay Saaxiib Tiradani u taagan tahay?
Waa Codadka uu Guud ahaan Xisbiga Kulmiye Musharraxoodu ka helayo Doorashada Madaxtooyada,
Waana Astaamaha Caddeynta u ah Guusha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Guul Mudane Hambalyo.

Waxaanay Tiradaasi Aan Ku soo sheegnay inay tahay 555,000 ee Cod Aanan Ku soo saarnay habka Imagination Calculationka Malo-Awaal Xisaabeedka,Ayaa Waxay Celceliska Guud ee Codadka Doorashada ka Noqonaysaa 72% Todobaatan iyo labba Boqolkiiba.

Miyaanay Guushaasi Xisbiga Kulmiye ahayn Dhul-Gariir?! Waana Sobobta Aan Maqaaladayda Dhul-Gariir ula Magac Baxeen,Ha yaabin Oo yaanay indhuhu Ku Soo bixin Waxaan kuu hayaa Astaamo kale oo Caddeyn u ah Guusha Muuse.

Haddaba Sideebay Noqonaysaa Codadka Xisbiyadu kala Helayaan.
Waa Sidan:-

Xisbiga Kulmiye 72%
“.       “.  Waddani 18%
“.       ”   Ucid        10%
La soco Qaybaha danbe Oo Aad u Xiiso badan kuna Caddeyn Doonno Sida uu Sannadku Caddeyn ugu yahay Guusha Muuse insha Allah.

W/Q:C/naasir Guray Meecaad.
Barta Facebook-ka Naasir Meecaad