Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE md Muse Biixi Cabdi oo Tacsi Tiiranyo Leh uu Diray Eheladi Iyo Qaraabadi Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi)

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabd

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

01 July 2017

TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

02.07.2017 Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxayMarxuum Maxamed Maxamuud Axmed (Mijir Qaadi)oo ka mid ahaa suxufiyiinta caanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Burco maanta oo taariikhdu tahay 01/07/2017.

Marxuum Mijir Qaadiwaxa uu ka mid ahaa ruug-caddaagii saxaafadda Soomaalida ee muddo ka badan Nus-qarni ka soo bilaabmay Idaacaddii Radio Hargeysa oo uu ka mid ahaa weriyayaashii ka hawlgalay waqtiyadii u horreysay iyo Idaacaddii Radio Muqdisho oo uu labada ka mid noqday suxufiyiintii ugu caansaday, isagoo markii dambeyna ka tirsanaa aasaasayaashii idaacaddii dib-u-xoraynta ee Radio Halgan, waxaannu door wayn oo shariif ah ku lahaa halgankii lagu xorreeyey dalka Somaliland bilow iyo ilaa dhammaadkiisii. Waxa kaloo Marxuumku xilal kala duwan ka soo qabtay mihnadda warbaahinta sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu mar ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamayMarxuum Mijir Qaadiinuu ahaa nin wanaagsan oodhawrsan, degan oo oday u ahaa bulshada, taariikhyahan ahaa oo ka baxay Qaranka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE