Imaaraadka oo Rajo Xumo Ka Muujiyay Xal u Helidda Khilaafka Khaliijka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurto galnimada ah in degdeg xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya Qadar iyo waddamada deriska la ah.

Anwar al-Gargash ayaa hadalkan sheegay iyadoo xoghayaha Mareykanka uu soo afjaray booqasho dublamaasiyadeed oo saddex maalmood qaadatay taas oo uu ku tegay gobolka, isagoo isku dayay inuu wada xaajood ka galo xayiraadda ay Qadar ku soo rogeen dalal Isu tagga Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar.

Rex Tillerson ayaa sheegay inay jirto rajo ah in dhammaan dhinacyada ay oggolaadaan wada xaajood, inkastoo uu ka digay in xal waara oo arrimahaasi laga gaaro uu muddo qaadan karo.