Imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada 8-Aad ee dugsiga dhexe iyo fasalada 4-Aad ee dugsiga sare ayaa saaka si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.
Gabagabadiina Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalada 8-Aad ee dugsiyada dhexe iyo 4-Aad ee dugsiyada sare isla markaana dalka saaka ka bilaabmay ayaa ka duwan imtixaanaadkii hore looga qaadi jirey Somaliland,waxaana sanadkan uu kaga duwan yahay Imtixaanka fasalka 8-Aad ayaa waxa laga qaadayaa casharadii ay kusoo dhigteen fasalkii 8-Aad oo kaliya halka markii hore imtixaanka lagaga qaadi jirey casharadii ay kusoo dhigteen fasaladii 5,6,7,8,halka ardayda fasalka 4-Aad ee dugsiga sarena laga qaadayo isla casharadii ay kusoo dhigteen fasalkii 4-Aad ee dugsiga sare oo kaliya,waxaana markii hore imtixaanka lagaga qaadi jirey fasalada 1,2,3 iyo 4-Aad ee dugsiga sare.