Khaatumo Oo Sheegtay In Ciidammada Qaranka Somaliland Ka Taageerayaan Baajinta Shir Muqdisho Laga Soo Abaabulay

Balli-cad (GNN) – Kooxda Khaatumo, ayaa ka ka digtay dhibaatooyin uu horseedi doono Shir Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed ka soo horjeedaa doonayaan inay ku qabtaan Magaalada Buuhoodle.   Keyse Cabdi Yuusuf oo kamid ah masuuliyiinta kooxda khaatumo oo  la hadlayey Ciidamo ku sugan Deegaanka Balli-cad ayaa sheegay in aan la aqbali doonin shir lagu carqaladaynayo wadahadalada u socda Somaliland iyo Khaatumo isla-markaana Ciidammada Qaranka Somaliland iyo kuwa Khaatumo oo is-kaashanayaa tallaabo ka qaadayaan Ciddii wadda wax lid ku ah Wada-hadallada u socda labada dhinac.

“Dadka shirkaa wadaa waxa ay doonayaan in ay qalalaase ka dhaliyaan Buuhoodle, anagaa Buuhoodle iska leh ogolaana mayno, waa kuwan ciidamadii oo wadajir ah, ciidankan waa Somaliland waxaana wata kabtan Jaamac Aadan” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Bishan Shanteedii ayay yidhaahdeen waxaanu Shir ku qabanaynaa Shir, taasi waxay keentay in Ciidammada Somaliland iyo kuwa Khaatumo meel ay joogaanba intii la isku geyn karo la isku geeyo, oo Xuduudahooda ay si wada jir ah u xidhaan. Waxa la xidhayaa Ciddii ka dhan ah Nabadda, ciddii ka dhan ah Wada-hadallada ee wadda Shirar Doc ka faruur ah.”

Kayse waxa kale oo uu sheegay “Ragga leh Buuhoodle Shir baanu ku qabanaynaa, waa Rag doonaya inay reer Buuhoodle isku dhuftaan oo ay Nabadgalyo daro dhex dhigaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Hawl-galladan lidka ku ah Dadka Abaabulaya Shirka Buuhoodle ay iska kaashanayaan Ciidammada Qaranka Somaliland iyo kuwa Khaatumo “Halkan Balli-cad waxa idinla joogay Ciidammada Qaranka Somaliland oo uu hoggaaminayey Kabtan Jaamac Aadan Ashkir, waxay u yimaaddeen in la iska kaashado wixii Gacan Saddexaad ah, sida ku cad Heshiiskii Addis Ababa.”

Hadalka wasiirka ayaa waxaa keenay markii khilaaf ka dhex dhashay maamulka Khaatumo, kadib markii wadahadalada socda uu bilaabay   Cali Khaliif Galaydh, kadibna ay ka soo horjeesteen qayb uu Hurmood ka yahay ku-xigeenkiisii Cabdalla Cagalule oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho kuna baaqay shir beeleed Buuhoodle lagu qabto, kaasi oo Khaatumo oo aaminsan tahay in lagu mijo-xaabinayo.