KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamuusay Qaar Kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Iyo Xukuumadda Ee Qaaradda Yurub

London(GNN):-Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumaddaba u qaabilsan dalalka Yurub, gaar ahaan waddamada loo yaqaanno Scandinavian-ka, kuwaas oo safarro shaqo ku joogo dalkooda hooyo.
Hadhimo-sharafeeddan oo ka dhacday Hutel Royal Palace ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay wasiirro, wasiir-ku-xigeenno, wasiiru-dawleyaal, agaasimayaal, Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE, Safiirro, xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbiga KULMIYE u qaabilsan laamaha dalalka Yurub qaarkood iyo marti-sharaf kale, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo si weyn loogu bogaadiyey shaqooyinka masuuliyiiintani hayaan iyo dadaalka ay ka muujiyeen dalalka qurbaha ee ay ku sugan yihiin, iyaga oo dhinaca kalena madaxdaasi ka mahadceliyey casuumadda loo sameeyey ee soo dhaweyntu ku lammaan tahay.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka SWEDEN Md. Fu’aad Kaamil Ciise oo halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh uga mahadnaqay casuumadda xisbiga iyo xubnaha wasiirradda ahi u fidiyeen, waxaannu sharraxay in ujeeddada ay waqtigan dalka u yimaaddeen salka ku hayso sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen ololaha qaadashada kaadhadhka codbixinta oo dhawaan ka bilaabmi doona gobollada Marood-jeex iyo Togdheer oo uu sheegay inay wacyigelinteeda si weyn uga hawlgeli doonaan.
Wakiilka Somalilnand ee dalka Sweden Amb. Sakariye Xasan Wacays iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway Mr. Axmed Saleebaan, ayaa iyaguna mahadcelin kadib ka xog-warramay hawlaha shaqo ee hayaan, iyagoo isku raacay inay si xilkasnimo leh uga shaqayn doonaan sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa qaadashada kaadhadhka cod-bixinta oo ay xuseen inay muhiimad weyn u leedahay doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.
Qaar kamid ah ah haweenka firfircoon ee xisbiga KULMIYE u qaabilsan dalalka Yurub oo ay ka mid yihiin Marwo Saynab Ismaaciil Gabas, Hinda Maxamed iyo Foosiya Gabax, ayaa iyaguna hoggaanka KULMIYE iyo xubnaha wasiirradaba uga mahadnaqay sida ay u sharfeen ee casuumadda ugu sameeyeen, waxana ay shaaciyeen inay dardargelin doonaan hawlaha xisbiga ee ay waqtigan dalka u yimaaddeen.
Wasiirrada Wasaaradaha Warshadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Safiirka Somaliland ee dalka Ethiopia Md. Cali Salaan Jirde, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha Md. Axmed Xasan Carwo iyo xubno oo kale, ayaa si weyn ugu ammaanay masuuliyiinta xisbiga ee dalalka Waqooyiga Yurub iyo weliba xubnaha hoggaanka jaaliyadaha Somaliland ee dalalkaas sida hagar la’aanta ah ee ay arrimaha xisbiga iyo kuwa qarankaba uga shaqeeyaan, waxaanay kula dardaarmeen inay dadaalkooda sii libin-laabaan.
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo kulankan qadada ah soo afmeeray, ayaa xubnaha xisbiga u qaabilsan dalalka Yurub ee casuumadda lagu maamuusay ku tilmaamay kuwo hawlkar ah oo si muuqata u muujiyey waxqabad ballaadhan, isla markaana laga filayo inay qayb libaax ka qaataan dadaalka xisbigu ugu jiro sidii uu mar labaad ugu guulaysan lahaa talada dalka, waxaanu ku dhiirrigeliyey inay ka qaybgalaan wacyigelinta la siinayo bulshada ku dhaqan gobollada aan weli qaadanin kaadhadhka cod-bixinta doorashada inay isu diyaariyaan sidii qof waliba u heli lahaa kaadhkiisa uu xaqa u leeyahay.

19620537_902157839922304_5521029327435358156_o

19657074_902159179922170_3737582422680608701_n
Halkan Ka Daawo Khudbadaha Masuuliyiintii Madasha Ka Hadashay.