“Labadaydii Caruur Ahaa Iyo Hooyadoodba Waxa Liqday Badda, Sidaasna Way Ku Dhinteen”

Dooni ka shiraaqatay xeebaha wadanka Libya ayaa degtay, waxaana ku dhintay dad aad u tiro badan.

nin ku jiray dadka  la soo badbaadiyay ayaa sheegay in laba caruur ah oo uu dhalay iyo hooyadoodba ay dhinteen, ka dib markii ay liqday badweyntu.

doonidan oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga ayaa marka ay meel dhexe marayso degtay “Doonidii aanu la soconay ayaa degtay, waxaana dhintay laba caruur ah oo aan dhalay iyo xaaskaygii, dad badan ayaa soo badbaaday, kuwo kalena way dhinteen” ayuu yidhi