Maamulaha Dugsiga Faarax Oomaar Siciid Cabdi Shiil OO Ka Warbixiyey Xaalada Ay Ku Soo Dhamaadeen Imtixaankii Dalku

Maamulaha dugsiga faarax oomaar oo u waramayey qaaar kamida Warbaahinta Dalka ayaa sheegay in guud ahaanba aya si Nabad galyo iyo xasilooniya ku soo dhamaadeen intixaanadii shahaadihga ahaa ee dalka ka dhacay isga arimahaadsi ka hadlayana waxa uu yidhi. Ugu horayn waxaa mahad iskaleh ilaahay oo inoo suura galiyey inay si nabad galyo aha inoogu qabsoomaan imtixaanadii dalku. Marka labaad waxaan u mahad naqayaa Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbaashada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare; Md. C/laahi Ibraahim Habane iyo Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka ee Qaranka JSL Md. Daa’uud Axmed Faarax oo sameeyay ku dhac iyo naf hurnimo lagu hir galiyay hamigii Wasaaradda ee Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Qaranka JSL. Sida in la hir galiyo Sharcigii Imtixaanaadka Qaranka ee uu dejiyay islamarkaana hir galiyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo kaashaday dhamaan Masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda. Sidaa Darteed waxaan filayaa in Isbedel la taaban karo oo soo celinaya Dedaalkii Ardayda aanu Masuulka iyo Macalinkaba u nahay in ay ifafaalihiisii uu maanta imtaxaankaasi kaw ka yahay. Wixii ka dambeeyana aanu Ardayda dambe ee Dugsiyada ku tababari doono Xeerka iyo Siyaasadda Imtixaanaadka Qaranka JSL ee uu Wasiirku dejiyay”.
Waxaa lkale oo uu Maamuluhu fariin u diray dhamaanba macalimiinta iyo ardayda dalka waxaanu yidhi “waxaa muhiima in ay ardaydu dadaalaan inta ka horaysa imtixaanka oo ay waxbarashadooda dhisaan sidookale macalimiin ahaana waa in aynu ku dadaalno sidii ay aynu u soo saari lahay arday aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba dhisan.taasina waxay imanaysaa marka ay waalidku gacan nagu siiyaan tarbiyaynta iyo daba galka ardayga.