Madaxweyne Siilanyo Oo Dalacsiiyey Mid Ka Mid Ah Taliyayaasha Ciidamada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu dalacsiiyey taliyaha ciidanka Dabdamiska
Somaliland Gashaanle Sare Axmed Maxamed Sawaaxili oo uu ka dhigay sareeye guuto

Waxaana dalacsiintaas ka mahad naqay taliska Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Max,ed Xassan Sawaaxili

16-April-2014 ayey aheyd markii wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha Gudaha JSL Mudane Cali Max,ed Warrancade uu ka Codsadey Madaxweynaha JSL in Mudane Axmed Max,ed Xassan Sawaaxili la siiyo Darajada G/sarre Maadaama oo Dalka Dibadiisa kaga hawl galayey Darajada G/Dhexe) si loogu dhiiri galiyo in uu u hagar baxo aasaaska Ciidanka Dab-demiska Qaranka iyo tababarida xirfadlayaal u carbisan badbaadinta nolosha iyo maalka JSL iyada oo laga faa,iideysanayo khibrada & Aqoonta dheer ee uu Mudane Sawaaxili u leeyahey cilmiga la dagaalanka & Samatabixinta ( Fire & Safety).

Dhanka kale Taliye Axmed Sawaaxili ayaa muddadii uu caynaanka u hayay Ciidanka Dab-demiska waxaa uu qabtay waxyaabo badan oo la taaban karo taasoo ciidanku jiray muddo kooban hadana waxaa uu taliyuhu qabtay wax badan oo la taaban karo isagoo aqoontiisa, Xirfadiisa iyo kartidiisa si aan hagrasho lahayn ugu adeegay Dalka iyo Dadka Somaliland.

tmp_19131-20245399_1686419058064404_9142332818966002916_n-1323796020

Xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku dhiiratay inay hirgeliso dab-demiskii u horeeyay ee abid ay Somaliland yeelato taasoo madaxweyne Madaxweynaha qaranku aasaasay Dab-demis u gaara Jamhuuriyada Somaliland, waxaana Ciidanku dab-demisku uga mahadnaqayaa horumarkaa iyo dhiiranaanta ay xukuumadu ku dhiiratay yagleelida dab-demiska Somaliland.

Ugu danbeyn Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Sarreeyo Guuto Mudane Axmed Max,ed Xasan Sawaaxili Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL oo 20-7-2017 Madaxweynaha JSL u dalacsiiyey Darajada Sarreeyo Guuto Mudane Taliye Waxaanu kugu hambalyeynaynaa darajada & dalacsiinta aad ku muteysatey halgankaaga naf hurnimo iyo waliba Maamulka Suuban & Falka Suuban ee aad ka hirgalisey xarumaha iyo Fadhiyada Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL.