Maraakiib Timid Dekeda Berbera Iyo Dhoofkii Xoolaha Oo Bilaabmay,Saxmadd Laga Dareemayo Gudaha Dekeda

Dhanka kalena waxaa bilaabmat raritaankii xoolaha nool oo xayiraadii rasmiga ahayd ee sacuudigu saaray laga qaaday dhawaan, waxaana tan iyo maalinkii dawlada Somaliland ay ku dhawaaqday in dawlada Sucuudigu xayiraadii ka qaaday xoolihii Somaliland kusoo qul qulaya Macjarada xoolaha lagu xanaaneeyo isla markaana lagu baadho tayada caafimaadkooda xoolo tiro badan oo isugu jira Geel,Adhi iyo Lo’ kuwaas oo loo diyaarinayo sidii ay ugu dhoofi lahaayeen wadamada Khaliijka ee Sacuudigu ugu horeeyo.

Waxaana wararka intaa ku darayaan in sayladihii xoolaha ee magaalooyinka Burco,Ceerigaabo,Laascaanood iyo Hargeysaba ay kor u kacday qiimihii iibka xooluhu, waxaana soo noolaatay rajadii dadka reer miyiga ah ee ay abaartii adkayd saamaynta ku reebtay.

Dhanka kalena wararka Berbera naga soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in la xaliyey khilaaf soo kala dhex galay maamulka shirkada Dp World iyo shaqaalihii muruqmaalka ahaa gaar ahaan shaqaalaha dajinta iyo rarida badeecadaha oo shaqo joojin ku dhawaaqay,waxaana kulamo masuuliyiin xukuumadda ka tirsani la qaateen maamulka shirkada Dp World iyo shaqaalahaba lagu xaliyey khilaafkaasi,iyada oo ay haddana si caadi ah shaqadii dekeda Berbera u socoto.

Waxaana sidoo kale badhasaabka gobolka Saaxil uu kulamo la yeeshay shaqaalaha dekeda Berbera kuwaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba qaarkood kasoo gaadheen shaqada ay dakeda ka hayaan,waxaan shilkii ugu danbeeyay ee geerida sababay uu badhasaabka gobolka Saaxil kalamo kala yeeshay muruqmaalka dekeda iyo ehaladii uu ka baxay marxuumka oo la odhan jiray Daa,uud oo dhaawac kasoo gaadhay dekeda u geeriyooday ayaa la isla meel dhigay xaqa dawlada somaliland siinayso ciddii kamida shaqaalaha muruqmaalka ah ee wax ku gaadhaan inta ay shaqada gudaha ugu jiraan,waxaana la isla ogolaaday in hashiiba lagu kala qaato $400 oo doolar.

Wararka aan helayno kana helayno masuuliyiin dekeda Berbera ka shaqeeya ayaa waxay sheegayaan in maamulka shirkada Dp World ay wadaan mar kale qorshe ay shaqaale gaadhaya ilaa 100 qof uga fadhiisinayaan shaqada arrimo la xidhiidha caafimaadka iyo da’da awgeed,waxaana arrinkaasi ka taagan cabashooyin ay tabanayaan shaqaalaha caadiga ah ee ka hawl gala dekeda Berbera,waxaana hadii arrinkaasi uu fulo ay sababi kartaa khilaaf hor leh oo mar kale ka dhex qarxa masuuliyiinta shirkada Dp World iyo shaqaalaha dekeda Berbera.

Gabagabadiina dhawaan ayey ahayd kadib markii maamulka shirkada Dp World ay shaqo fadhiisin ku sameeyeen shaqaale gaadhaya ilaa 60 qof kuwaas oo ay sheegeen in ay da’doodu dhaaftay 60 isla markaana ay noqdeen hawl gab,waxaana maamulka shirkadu ay shaqaalahiisa xaqoodii uga dhigeen qofkii in la siinayo 2000$ (Laba Kun oo Dollar),dhinaca kale Bulshada Somaliland ayaa aad isku waydiinaya su’aal nuxurkeedu Tahay in dhoofkan xoolaha ee Sucuudigu xayiraada ka qaaday uu ku kooban yahay wakhtiga Xajka iyo in uu sii socon doono?,taasna ilaa hadda xukuumadda Somaliland may cadayn.