Mujaahid Cali Guray Oo Faallo Kooban Ka Bixiyey Siyaasiga Abiib Timacad Oo Ku Biiray Waddani.

Muj Cali Guray oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu ka Hadley siyaasi Abiib Timo Cad oo shaaciyey in isaga iyo siyaasiyiin Miisan Leh ay ku biiri doonan Xisbiga Waddani

Cali Guray ayaa sheegay in aanay jirin xukuumadda Somaliland ka dhalatay oo aanu wasiir ka soo noqon siyaasiga Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad)
Sidoo kale Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Oo qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook-ga waxa ku sheegay in siyaasi Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad) uu wasiir ka noqon doono xukuumadda cusub ee la filayo inay dhawaan ka dhalan doonto dalka.

Cali Guray ayaa qoraalka uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga waxa uu ku yidhi

“Kii doonaaba ha helo eh dawladda dambena inu wasiir ka noqonayo waan filayaa. Dawlad Somaliland ah oo aanu wasiir ka noqonin Abiib hore inoo may soo marin. Markaa ta soo socotana ama safka hore ayuu soo geli hadii Waddani ku guulaysto ama isku shaandhayn ayuu ku iman mar dambe hadii Kulmiye helo”

Cali Guray