Qaan-Gaadhnimo Siyaasadeed Oo Ay Muujiyeen Murashaxiinta Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani

Sawirka Ku ladhan Qoraalkan Ee IdiinMuuqdaa waxaa uu iftiiminayaa qaangaadhnimo, is-ahaanshiyo, qarannimo, dimuqraadiyad, lexe jeclo iyo korniin siyaasadeed.

Sawir Muujinaya Qaan-gaadhnimada Siyaasadeed Ee Ay Muujiyeen Murashaxiinta Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani

Somaliland in ay Afrika ugu horrayso dhanka xadaaradda siyaasiga ah iyo dhanka xorriyadda dawladnimada ayuu sawirkani tilmaamayaa. In kala duwanaanshiyaha fekerka siyaasiga ahi caafimaad yahay ayuu si cad u barraxayaa.

Sidoo kale in aan siyaasadda nadiifta ahi aaney colaad iyo turxaan midna lahayn ayuu daaha ka faydayaa.

Somaliland ha noolaato, dadkeeduna ha barwaaqoobeen abbid.