Daawo-Qarax Lagu Hoobtay oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawacba Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho

 Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho .

 

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA Somali u sheegay inay arkeen maydka toddoabada qof. Dhaawaca ayaa la kala geeyey cisbitaallada Muqdishu.

 

Mas’uuliyiinta amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in qof ismiidaamiye ahi uu waday baabuurka qarxay .

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ku ku socday waddada Maka Al-Mukarama xilli ay halkaasi ka jirtay saxmad oo ay baabuur badan sanka isku hayeen.

 

Ilaa hadda ma cadda meesha uu u socday baabuurkan ee uu bartilmaameedsan lahaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa saldhigga boliska Waaberi iyo huteelka Maka Al-Mukarama.