Hargeisa(GNN):-Shirkadda daabacaadda xayeysiisyada casriga ah ee SAGALJET, ayaa si rasmi ah u daah-furtay buugga diiwaanka maansada Timacadde oo lagu ururiyey maansooyijnka abwaankii caanka ah ee Cabdilaahi Suldaan Timacadde.
Abwaaniinta kala ah Yuusuf Cabdille Cismaan(Yuusuf Shaacir) iyo Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sheegay inuu Abwaan Timacadde ahaa qof caan ku ah ilaalinta danta guud ee umadda ka dhaxaysa, isla markaana waqti badan geliyey sidii uu hogo-tusaaloooyin dhaxalgal ah bulshada ugu habi lahaa, kuwaas oo ilaa maanta la manaafacaadsado erayadii uu ka yidhi nacaybka qabyaaladda.
Abwaan/Suxufi/Qoraa Cali Axmed Raabi(Cali Seenyo), ayaa shaaca ka qaaday in dhaxalkii uu tegay Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde si weyn loo intifaacsaday oo in badan oo umadda afka Soomaaliga ku hadasha kamid ahi si maalinle ah uga durduurtaan suugaantii uu hogo-tusaalaynta ugu talo galay, isla markaana uu tusaale wacan u noqday waddaniyadda.
Xasan Xiis oo magaca shirkadda DAHABSHIIL ku hadlay, ayaa si weyn u ammaanay qoraaga diiwaanka maansada awbaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo ah qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo uu ku tilmaamay shakhsi u heellan inuu diiwaangeliyo dhacdooyin lama-huraan u ah nolosha bulshada iyo weliba soo bandhigidda dhaxalka qarsoon ee ay ka tageen dadkii bulshada magaca iyo maamuuska ku lahaa.
Wasiirka hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed(Cali-marreexaan) iyo Safiirka Somaliland ee dalka Ethiopia Md. Ambassador Cali Salaan Jirde(Cali-shoombe), ayaa si weyn ugu mahadnaqay qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe, iyaga oo bulshadana ka codsaday inay u dhug yeeshaan oo qaataan waanooyinkii iyo wax sheeggii uu ka tegay abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde.
Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe oo isagu ah qoraaga ku faro yaraystay buugga diiwaanka maansooyinka abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii hore, tii dhexe, tii dambe iyo tii suugaaneed ee abwaanka, waxana uu sheegay inuu ahaa qof waddani ah oo aragti dheer oo hufan lahaa.
Qoraa Boobe Yuusuf waxa uu sheegay in daabacaaaddani tahay tii saddexaad ee diiwaanka maansada abwaan Timacadde, isla markaana uu xil weyn iska saaray sidii uu buuggani u noqon lahaa mid umaddu ka faa’iidaysato, isaga oo da’yartana u sheegay inay weli furan tahay wax ka qoridda maansooyinkii abwaanku, waxana uu yidhi,“Buuggani waa boqol iyo konto maanso, laakiin dhallinyarada waxa u taalla inay maansooyinkiisii kaftanka ahaa qaataan oo ay buug ka dhigaan sugaantii Cabdilaahi Suldaan waxan filayaa wax badan oo la doon doonayaa inaanay jirin.”