Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Ee Maanta Oo Lagu Ansixiyey Laba Xeer Oo Muhiim Ah.

Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland Ee Maanta Oo Lagu Ansixiyey Laba Xeer Oo Muhiim Ah.

Hargeisa(GNN):-Shirkii golaha wasiirada ee xukuumada somaliland ayaa maanta lagu ansixiyey laba xeer oo muhiim ah.

Shirka golaha wasiirada ee maanta oo tirsigiisu ahaa 222aad  oo uu shir gudoominayey madaxweynaha qaranka jamhuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey labadan xeer oo kala ahaa.

1.    Ansixinta qorshaha horumarinta qaranka ee 2aad.

2.    Ansixinta xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka.

Waxaanay goluhu ku ansixiyeen cod duuduub ah labadaasi xeer markii shirku soo  xidhmayna waxa saxaafadda la hadlay wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta iyo afhayeenka madaxtooyada kuwaas oo faah faahin ka bixiyey xeerarkan ay maanta ansixiyeen golaha

wasiirada somaliland.