TACSI MADAXWEYNE – 14/07/2017 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuuma Xaaji Faadumo Cismaan Guuleed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 14/07/2017 magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi marxuumada, Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ay marxuumadu ahayd xaaskiisa, iyadoo dhashay bahda waa weyn ee ilma cabdikariim Xuseen, tacsi la mid ahna u diray guud ahaan qoyska reer Cabdi waraabe ee ay ka baxday marxuumadu.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa marxuumada inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyadda JSL.