Ururka Abwaanadii Miisaanka Lahaa Ay Ku midoobeen iyo caweyska Dhallinyarada Somaliland

Kulan ay soo abaabuleen bahda Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ayaa caawa ka dhacay Guriga Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa  :  Caweyskan ayaa waxaa marti ku ahaa Abwaaniinta muga iyo miisaanka ku leh bulshada Somaliland.

Xasan Cabdillahi Xaaji {Xasan Ganey)

Muuse Cali Faruur

Maxamed Aadan Dacar

Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)

Aadan Tarabi Jaamac

IMG_8172

IMG_8194

Ugu horeyn waxaa xaflada furay Maxamed Aadan Dacar oo ka sheekeeyay ujeedada ururka Mus-dambeed iyo sababta loo furay, wuxa uu  sheegay  muhiimadda ururka oo ah inuu yahay mid ka shaqeynaaya sidii ay bulshada Somaliland u noqon laahyd mid isku xidhan wuxuuna sheegay in ururkoogu uu ka madhan yahay siyaasad iyo kala qeybinta bulshada Somaliland.

“ dareen bulsho ayuu ku dhismay Mus-dambeed maaha urur siyaasi, dagaal-maalqabeen waa mid ka shaqeynaaya danta bulshada Somaliland ururku wuxuu u noolyahay inuu dadka wax taro   in wax la wada yeesho weeyaan hadafka ururka mus-dambeed, ujeedada ururku waxa weeye inaanu diidno dagaal siyaasaseed iyo kala qeybinta sokeeyaha waxaanu rabnaa umadayada inaanu uga tagno  dad isjecel oo isku duuban” sidaas waxaa yidhi Maxamed Aadan Dacar oo ka waramaayay muhiimada ururka Mus-dambeed.

Aadan Tarabi Jaamaca oo kamid ah Abwaaniinta ugu waaweyn Somaliland ayaa isna halkaa kasoo jeediyay maansada (Aabbo)  waxa uu sheegay in maansadani ay jawaab u tahay Maansadii uu lahaa Abwaan Hadraawi ee ahayd “Hoyooy la’aantaa”.

Sidoo kale Abwaaniinta kala duwan ee ururka mus-dambeed ayaa maansooyin kala duwan iyo sheekooyin qosol badan la wadaagay dhalinyarada kala duwan ee

martida u ahaa, sidoo kale Abwaaniintu waxay direen baaq nabadeed oo ku socota beelaha wada daga gobolka sanaag.

Ugu dambeyn waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Haayada shaqaalaha Somaliland sharmaake Geelle wuxuuna soo dhaweeyay kulankan iyo Abwaaniinta Ururka Mus-dambeed.