Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal laba Beelood ku Dhexmarey Deegaanka Dararweyne Ee Degmada Ceel Afweyn.

Wararkii ugu danbeeyey ee saaka naga soo gaadhaya degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in xaaladda deegaanka Dararwayne ee degmada Ceel-afwayn ay wakhti xaadirkan meel adag marayso,iyaga oo duleedka deegaankana ay isku hor fadhiyaan maleeshiyo beeleed labada beelood ka kala tirsani.

Waxaana dirirtaasi khasaaraha ay sababtay oo isa soo tarayaa  ay sheegayaan saaka sida ay Ramaasnews u sheegeen dad ku sugan Ceel-afwayn in dhimashadu ay tahay 6 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland,sidoo kalena waxa ku dhaawacmay dad ka badan 18 qof oo labada dhinacba iskugu jira.

Waxaana xalay ilaa saaka deegaanka Dararwayne iyo degmada Ceel-afwayn lagu soo daad gureeyey ciidamo tiro badan oo ciidamada Qaranka Somaliland ah,kuwaas oo gabi ahaanba la wareegay Dararwayne iyo Ceel-afwayn,sidoo kalena ciidamadu waxay gudaha deegaanka ka saareen maleeshiiyaadkii labada beelood ee dirirayey,kuwaas oo isku hor fadhiya duleedka deegaanka balse ay ciidamadu wali ku kala dhex jiraan.

Sidoo kalena ciidamada ayaa waxay gabi ahaanba la wareegeen amaanka degmada Ceel-afwayn oo iyadan alaga dareemayo dhaq-dhaqaaq colaadeed,waxaan ciidamadu sidoo kale ay xabsiyada ku gureen dad tiro badan.

Xaaladda deegaanada ayaa ah mid kacsan oo ay ka taagan tahay xaaladd colaadeed,iyaga labada dhinaca wada hub iyo ciidan urursi,waxaana ilaa hadda aan la garanayn halka ay saldhigan doonto colaadan dib uga soo cusboonaatay deegaanada degmada Ceel-afwayn.

Log11