Wasiiirka Madaxtooyada Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay oo kulan la qaatay Cuqaasha & Salaadiinta Gobolka Gabiley

Gabiley(GNN):-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kulan la qaatay Cuqaasha iyo Salaadiinta gobolka Gabiley.

Kulankan oo darnaa derder gelinta hawlaha kaadh qadashada gobolka Gabiley iyo u kuur galida xaalada Guud ee Gobolka ayaa aad laysugu xog waraystay, waxanay Weftiga Xukuumadda ka socday ku booriyeen sidii kaadhadhka qadashadooda loo dhamaystiri lahaa madaama wakhti yari ka hadhay, Dhinaca kale waxay Cuqaasha iyo Salaadiintu ka xog warameen xaalada Guud ee Gobolka gabiley iyagoo halkaasi ka muujiyey isku duubni.19959225_1357854474328402_438187613949555448_n 19989639_1357854480995068_6390376001882258385_n 20046434_1357854264328423_5509758441610533407_n 20139711_1357854634328386_648641104114108229_n

19990104_1357854467661736_1746300800986633246_n 20031930_1357854257661757_5855753191100191224_n 20031987_1357854267661756_985564654811089445_n

Wasiirka Madaxtooyada iyo weftiga uu hoggaaminayay waxay aad u bogaadiyeen sida habsamida ah ee ay Gobolka Gabiley uga socoto hawsha kaadh qadashadu taas oo ku dhaw dhamaad, waxa kale oo ay ku amaaneen in dhamaan saladiinta iyo cuqaasha Gobolka Gabiley ay yihiin dad midaysan oo danta dadka iyo ta gobolkaba meel uga soo wada jeeda.