Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaciyey Inay Safiirka Maraykanka U Dhiibeen Dacwad Ka Dhan Ah Idaacada VOA

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen Safiirka Mareykanka ee Somaliland iyo Somaliya, oo dalka booqasho ku yimid, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka, abaaraha dalka ka dhacay, madax-banaanida Somaliland iyo xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka u dhexeeya, waxaanu tilmaamay inuu Safiirku ku qancay una bogay horumarka Somaliland uu ku arkay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Safiirka u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Idaacada VOA qaybta afka Soomaaliga, oo uu sheegay in khariiradii ama maabkii Somaliland

bedeshay, isla markaana aanay dhex ka ahayn arimaha Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi “Safiirka waanu la kulanay, waxaana kula kulanay Madaxweyne ku xigeenka iyo dhawr Wasiir anagoo ah, waxaanu ka wada hadlay waxyaabo fara badan oo ay ka mid yihiin Nabadgalyada, xidhiidhka laba dal, Doorashooyinka, Abaaraha, waxa kale oo aanu ka wada hadlay madax-banaanida Somaliland iyo sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa, waxaanu runtii ahaa Safiir ku qanacsan horumarka ay Somaliland gaadhay, aadna uu noogu amaanay waxyaabaha aynu qabsanay, anaguna waanu u caddaynay inay inaga go’an tahay inay Doorashadu wakhtigeeda ay ku dhacdo, markii hore dib u dhaca Doorashada ay ku keentay duruufo inagu yimid, oo aanay jirin wax kale oo dib u dhigay”.

Wasiirka Warfaafinta mar uu ka hadlayey dacwada ka dhan ah Idaacada VOA, oo ay u gudbiyeen Safiirka ayaa yidhi “Waxa kale oo aanu ka wada hadlnay dacwad rasmiya oo dheer, oo aanu ka gudbinay VOA,oo qoraal ah, waxaanu u sharaxnay in aanay VOA, ahayn Warbaahin dhex ka ah arimaha Somaliland iyo Somaliya, caddaymana waanu tusnay, ay ka mid tahay Maabka ay sameeyeen ee khaldan, ee ay bedeleen Maabkii saxda ahaa, ee Adduunka oo dhami ku yaqaanay Somaliland waxay tahay, arintaana xoog ayaanu uga hadlanay,Dacwadaasna waanu gaadhsiinay”.

Wasiir Cadaani oo ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Farmaajo iyo ragga kale ee madaxda ka ah Somaliya waxay riyo ku jirto ayey dadkooda ugu sheekaynayaan, waxaana anagu leenahay waa la kala maarmayaa, oo Somaliland wey ka maaran tahay Somaliya, ayaheeda, mustaqbalkeeda iyo wax walba wey ka tashanaysaa, sida uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland sheegayna haddii ay boqol sanno qaadanayso Somaliland kuma biirayso Somaliya, danta Somaliyana waxay ku jirta in madaxdeeda iyo shacabkeeduba ay gartaan inay dantoodu ku jiro inay Somaliland iyo Somaliya kala ahaadan laba dal oo jaar ah, oo mid waliba aayihiisa ka tashado”.

Wasiir Cadaani mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa yidhi “Lacagta abaaraha ee 64-milyan ah, ee Mareykanku u qoon-deeyeen Soomaalida, Somaliland ahaan in qaybtaydii nala siiyo, ayaanu rabnaa, in 200 ee milyan ee imika Mareykanku u qoondeeyey Somaliyan, Somaliland qaybteeda la siiyana waanu rabnaa, madaama ay abaaruhu ku badnaayeen halkan, waxaanu doonaynaa in lacagtaas nala siiyo boqolkiiba konton ama boqolkiiba afartan, lacagta sagaal boqol ee milyan ee dheeraadka ah ee Adduunku u ururinayana, waxaanu nidhi ha nala siiyo boqolkiba konton ama boqolkiiba afartan, waxa kale oo aanu u sheegnay in abaartii dalka ka dhacday, in si fiican dadka loogu gurmaday, oo Dawlad dadkeeda u damqanaysa iyo shacabkuba inay meel uga soo wada jeesteen gurmadka abaaraha, oo markii horena in lacag todoba milyan oo doolar ururiyeen, imikana ilaa toban milyan oo doolar ururinayaan oo ilaa afar milyan oo doolar lagu dhawaaqay, intii kalena la filayo, lacagtaasina ay yihiin lacag loogu talagalay ka soo kabashada abaaraha, aduun weynahana waxaanu ka doonayna inay nagala qayb qaatan, sidii loo kaxamayn lahaa abaaraha soo noq-noqonaya, anaguna qorshaha aanu wadno haddii ay tahay Dhamaam la xidhayo, Ceelal La qodayo, Beero ilaa iyo 35 kun ah oo la beerayo, haddii ay tahay seero iyo haddii ay tahay dadkii caydhoobay oo la xoolaynayo, runtii Safiirku uu la yaabay, aadna uu noogu mahadnaqay”.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani,wuxuu tilmaamay inay Somailand buuxisay shuruud walba oo looga baahna dawlad, isla markaana aqoonsi mooye aanu wax kale ka dhinayn, waxa kale oo uu ka digay in khatarta ka dhalan karta haddii Somaliya laga qaado xayiraada hubka.