Xafiiska Hantidhowrka Qaranka Oo Digniin U Diray Cida Aan U Hoggaansamin Amarkii Madaxweynuhu Qalinka Ku Duugay

Waxaa Jira Gaadiid Aan Lagu Xidhin Lambarka Dawladda, Waxaanuse Hay’adaha Qaranka U Sheegaynaa In Ay Qaataan Amarkaaas, Ciddii Doonaysa Inay Lambarka Somaliland Ku Xidhataanna waa Inay….”

Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay u hoggaansami weydo amarkii ay wasaaradda hawlaha guud soo saartay isla markaana uu madaxweynuhu digreetada ku soo saaray ee ku saabsanaa in lagu soo xareeyo lambarada shicibka ee ku xidhan baabuurta hay’adaha dawladda. Guddoomiye kux igeenka xafiiska hantidhawrka qaranka Siciid Saleebaan ooshalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa ka warramay halka ay marayso diiwaangelinta gaadiidka dawladda ee lambarrada shicibka ku xidhnaa isaga oo farriin u diray hay’adaha dawladda ee lambarrada gaarka ahi ku xidhan yihiin.

Gudoomiye Siciid Saleebaan ayaa sidoo kale faray hay’addaha dawladda inay gaadiidka aan lagu xidhi Karin GTnumberka security ahaan awgeed ay codsi u soo qoraan wasaaradda arimaha gudaha iyo taliska ciidanka bileyska ogaysiina ay soo siiyaan hanta dhawrka qaran iyo wasaaradda gaadiidka qaranka

Gudoomiye siciid saleeban oo arimahaas ka hadlayaana waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “waxaan maanta [Shalay] kaga hadlayaa shirkaygan jaraa’id diwaan-galinta gaadiidka qaranka oo aan doonayaa in aan halkan massage uga diro dhamaan hay’addaha qaranka, waxaanan diwaan galinay dhamaan gaadiidka dawladda iyo hay’addaha qaranka, waxaana jira gaadiid badan oo aan sidan GT number, laakiin u diwaan gashan gaadiid dawladdeed, sida awadeed waxaan doonaya in aan dhamaan uga diro massage ama fariin hay’addaha qaranka, wasaaraddaha, wakaalladdaha, dawladdaha hoose iyo dhamaan hay’addaha qaranka inta ay leeg yihiin, in lagu xidho gaadiidka dawladdda GT number gaadiidka aan sidan muddo laga bilaabo tobban cisho gudahood, waxaanuna dib u eegi doona annagoo iskaashanayna bileyska, wasaaradda arimaha guddaha iyo wasaaradda gaadiidka, waxaanuna dib u eegi doona in la wada fuliyey amarkaas oo lagu wada xidhay mudadaa tobbonka cisho ah gaadiidka dawladdu waxay wada leedahay GT number, laakiin waxa jira gadiid security awadeed aan loogu xidhin, laakiin waxaan dhamaan hay’addaha qaranka u sheegaynaa inay ku xidhaan oo ay qaataan amarkaas oo gaadiidka dawladda lagu wada xidho GT number, laakiin cidii donaysa inay numberka Sl Numberka u sidato security awadeed waxay codsi u soo qoraysaa wasaaradda arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska ogaysiin waxay soo siinaysaa hanta dhawrka qaranka waxay sidoo kale ogaysiin soo siinaysa wasaaradda gaadiidka, Waxaana awooda Sl Number bixin kara oo kaliya wasaaradda arimaha gudaha iyo hanta dhawrka iyo taliyaha ciidanka bileyska, Gaadiidka loogu deeqay wasaaradaha iyo hay’addaha dalka waa in iyagana si degdeg ah loogu xidhaa GT numberka, hadii aan loo codsana imika loo codsadaa.