Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Oo Maanta Warbaahinta Dalka U Sameeyey Kulan Qado Sharaf Ah oo Lagu Xoojiynayey Xidhiidhka Wada Shaqayneed Ee Ka Dhexeeya Saxaafada Iyo Asxaabta Siyaasada.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxtinimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo hadhimo-sharafeed ah ku maamuusay bahda warbaahinta Somaliland.
Kulankan hadhimo-sharafeedda ah oo maanta ka dhacay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo gebi ahaanba bahda saxaafadda Somaliland oo ay hormood u yihiin mulkiilayaasha badiba hay’adaha warbaahineed ee dalka ka jira, rug-caddaadiga saxaafadda, qoraayo, sawir-qaadayaal iyo dhallinyaro badan oo waqtigan mihnadda saxaafadda ku hawllan, waxana s furan la isaga xog waraystay waayaha dalka iyo sidii ay saxaafaddu danaha guud ee dalka xil weyn iskaga saari lahayd.
Ujeeddada kulankan oo ahayd sidii xisbiga KULMIYE iyo bahda saxaafadda meel uga soo wada jeedsan lahaayeen arrimaha danta guud, isla –markaana looga wada shaqayn lahaa danaha qaranka, ayaa laga jeediyey hadallo mahadnaq, bogaadin, waano iyo wax isu sheeg u badan, waxana si hufan oo saraaxad leh la isugu sheegay in midnimada danta qaranku lagama maarmaan tahay.
Xubno kamid ah ruug-caddaadiga saxaafadda dalka oo ay kamid yihiin saxafi/qoraa Maxamed Xasan Waji, Cabdilaahi Aadan Cumar(Wayab), Maxamed Cabdi Jaamac(xuuto), macallin Faysal Fadh-fadhle, Maxamed Cabdi Ilig, ayaa halkaas hadallo ay xisbiga KULMIYE iyo guddoomiyihiisa ugu mahadnaqeen ka jeediyey, waxana ay bogaadiyeen sida uu guddoomiyuhu xilka iskaga saaray inuu madal casuumadeed la qaato warbaahinta.
Af-hayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali(Gaafaadhi), ayaa isaguna tilmaamay inay jirto wada-shaqayn qoto dheer oo xisbiga iyo Warbaahinta qaranka u dhaxaysaa, waxana uu xusay inuu KULMIYE maanka ku hayo horumarinta bahda saxaafadda iyo la shaqayntoodaba.
Xog-hayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo kamid ah tiirarkii dhidibada u taagay Saxaafadda dalka, ayaa isaguna bahda saxaafadda u sharraxay waajibaadka saaran saxafiga eel agama maarmaanka ah, waxana uu yidhi, “Ninka suxufiga ah ee hawsha saxaafadda ku jira waxa saaran saddex waajibaad oo kala ah, masuuliyad-xirfadeed, mid sharciyeed iyo waliba masuuliyad bulsheed, waxana waajib inuu qofkaasi si uu xirfaddiisaas u ilaashado inuu yeesho aqoontii saxaafadeed oo uu kala ogaado maxaa kaa mamnuuc ah amaba lagu oggol yahay, waana inaad bulshada u gudbisaa war dhisan oo miisaaman oo aan been iyo buunin midna lahayn.”
Guddoomiyaha xisbiga KULMYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas hadallo kaftan u badan ka jeediyey, ayaa ugu horrayn sharraxay afkaarta uu ka aamisan yahay cidkasta oo libin aanu lahayn siisa iyo sidoo kale ciddii isku dayda inay kala masuugto karti uu leeyahay, waxana uu yidhi, “Ninkii dhaliishayda ii sheegaa laba goor mahadsan, ninka ii guul-wadeeyaana ma mahadsana, ka wax run ah igu taageeraana wuu mahadsan yahay, kii wax been ah iga sheegaana wuu mahadsan yahay oo Aakhiraaba aan Ajar ka helayaa.”
Guddoomiyuhu waxa ujeeddada kulanka ku sheegay inay tahay inuu abuuro madal-doodeed saxaafadeed oo ay bahda warbaahintu ku shirrabaan cidkasta oo doonaysa inay hoggaanka dalka qabato,“Ujeeddada aan u socdaa waa kii aan soo gaadho inaan gaadho kii kalena aan daydayo oo aanu nin walba doodno oo Ololaa soo socda oo rag baa sharraxane aan nimanka kale ka badiyo oo aan idin idhaahdo nin walowba Imtixaan iga qaad inaan fidh ahay.” Ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

19702374_903382053133216_2030233482492560540_n 19665654_903381546466600_808737271976111996_n (1) 19598801_903383226466432_1058169183620988030_n 19642607_903383373133084_2715651392953284733_n 19657210_903383029799785_9086287207199467879_n 19665213_903380439800044_8694724855105036266_n 19248077_903380466466708_8727074099415630162_n 19787487_903380459800042_1079629097824708180_o

Waxaana Madashaasi Kasoo Jeediyey Khudabdo Kala Duwan Kasoo Jeediyey Qaar Kamid Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiinta Ka Socotay Laamaha Warbaahinta.

Ugu Horayn Waxaa Halkaasi ka Hadlay Xogahayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Mudane Xassan Siciid Yuusuf oo horena U Ahaa Rugcadaa Saxaafadeed Oo Wakhti Dheer Kasoo Shaqeynayey Mihnada Saxaafada Iyo Aas-aaskeedaba Door laxaad leh Kasoo Qaatay, Waxaana Uu Si Guud Uga Waramay Doorka Warbaahinta Somaliland Kasoo qaadatay dib u dhiska dalka iyo horumarinta qaranimada Somaliland, waxana uu aad ugu dheeraada sidii saxaafada Somaliland dhex ugu noqon lahaayeen asxaabta siyaasada ku hirdamaya ugana shaqayn lahaayeen dhawrista iyo ilaalinta wax kasta oo carqalad ku keeni kara qaranimada Somaliland iyo geedi socodka nabadeeda.

Sidoo Kale Waxaa iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Xubno ku Hadlayey Afka Warbaahinta Dalka Somaliland Oo Ay Ka mid Ahaayeen Muuse Jaanbiir, C.laahi Wayab, Maxamed Cali Waji iyo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, iyo  Masuuliyiin Muddo Dheer Kusoo Dhexjiray Warfaafinta  Oo ka Sheekeeyey Doorka Looga Baahan Yahay Saxaafada Somaliland In laga Horumariyo iyo Sida La Doonayo Inay Dhex ugu Noqdaan Axsaabta Muxaafid iyo Mucaaridba.

Gabogabadiina Waxaa Khudbad Dheer Oo Kaftan Dardaan iyo Talooyin Ku Qotoma Xidhiidhka Warbaahinta iyo Asxaabta Ah kasoo Jeediyey Gudoomiyaha ahna Musharaxa Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Wax Yar Ka Dib Halkan ka Daawo Khudbadaha Kulankan laba Geesoodka Ah ee Dhexmaray Warbaahinta iyo Xisbiga Kulmiye.